Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo u codeeyay shalay in la joojinta Qaadashada Kaararka Aqoonsiga.

???????????????????????????????Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod gacan-taag ah ku diiday in qaadashada baasaboorka Somaliga lagu xiro warqadaha aqoonsiga muwaadinnimo, kaddib markii xildhibaannada intooda badan ay sheegeen in dadku ay dhibaato ka maraan qaadashada warqadaha aqoonsiga.

Arrinta ayaa xildhibaannadu ka doodayeen laba maalmood oo isku xigta sida laga yeeli lahaa xaaladda qaadashada kaararka aqoonsiga, iyagoo ugu dambeyn ay shalay u codeeyay in gabi ahaan qaadashada kaararka aqoonsiga la joojiyo.

Dood dheer iyo falaqeyn ka dib ayaa waxaay mudanayaashu intooda badan ay Cod aqliyabid ah ku ogolaadeen in qaadashada warqadaha aqoonsiga la joojiyo, maadaama ay dadku ku dhibaatoodeen, lagauna soo celiyo qaadashada baasaboorka Soomaaliga sidiisii hore.

Xildhibaannadu waxay xuseen in qaadashada kaararka aqoonsiga aysan ahayn mid ku xiran qaadashada baasaboorka oo keliya, balse dadka oo dhan looga baahan yahay inay yeeshaan kaararka aqoonsiga.

Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa waxay intaas ku dareen inaysan ahayn in kaararka uu bixiyo maamulka gobolka Banaadir uu Muqdisho oo keliya uu ku bixiyo, balse loo baahan yahay in dalka oo dhan laga bixiyo.

Sida lagu soo warramayaa arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dadweyne fara badan ay maalin walba safaf dhaadheer ugu jiraan qaadashada warqadaha aqoonsiga si ay u helaan baasaboor ay ku dhoofaan, taasoo sababtay in qofku uu muddo 30-maalmood ah isaga daba-noqdo.

Inkastoo baarlamaanka Soomaaliya uu go’aamiyay in qaadashada warqadaha aqoonsiga la joojiyo ayaan haddana la ogeyn sida u ku aqbali doono maamulka gobolka Banaadir.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: