Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo ka Hadlay dilkii loo geystay Shaqaalihii Hay’adda UNODC.

Ra'iisal-waasaraha Cusub.jpg5Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa cambaareeyay dilka laba sarkaal oo ka tirsanaa UNODC loogu geystay maanta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu yiri: “Aad ayaan uga murugooday warka sheegaya in la dilay laba shaqaalaha UN-ka ka mid ah. Waxaana qoysaskooda iyo saaxiibbadood u dirayaa tacsi”.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu intaas ku daray: “Xukuumadeydu waxay sii wadi doontaa dagaalka ay kula jirto kuwa wada xadgudubyada ka dhanka ah bani’aadamnimada iyo in laga dhigo Soomaaliya goob nabad ah oo ay shacabka Soomaaliyeed iyo shaqaalaha shisheeye ku nabadgalaan.”

Mudane C/weli Sheekh ayaa dalbaday in kuwii falkaas dilka ah geystay si dhaqso ah loo horkeeno cadaaladda, isagoo xusay inaysan ogoleyn in dhibaatooyinka loo geysanayo dadka aan waxba galabsan.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: