Laba Sarkaal oo ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay oo lagu dilay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.

garoonka_diyaaradahaLaba Sarkaal oo ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay, lana shaqeeya hay’adda muqaadaraadka u qaabilsan iyo dambiyada ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan UNODC ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dhacda dilkan ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dambeeyay askari ka tirsan ilaalada garoonka ee dhanka Puntland, iyadoo wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Mudug Cabdirisaaq uu soo sheegay in si aad ah loo adkeeyay ammaanka garoonka iyo deegaannada ku xeeran, halkaasi oo uu haatan gaaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo Cabdi Siciid Dhaga-weyne oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan waxa ku kalifay in askari uu falkaasi dilka ah ku kaco, iyadoo wararka qaar ay tilmaamayaan in askariga dilka geystay uu ahaa mid madaxa looga jiray.

Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ciidanka Puntland ee garoonka ku sugan, waxaan dilka saraakiishan cambaareeyay ergayga UN-ka ee arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay.

Maydadka saraakiishan ayaa la filayo in isla maanta loo qaado magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ay kasoo saareen maamulka Puntland dilka loo geystay labadan sarkaal.

Ergayga UN-ka ee arrimaha Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay ayaa ka dalbaday maamulka Puntland inay baaritaan ku sameeyaan kooxahaa dilkaas ka dambeeyay, ayna u horkeenaan cadaaladda si deg-deg ah. Isagoo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada shacabka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Gaalkacayo
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: