Xulka kubadda cagta 20 jirrada dalka Djibouti oo soo bandhigay Ciyaar ka yaabsaday xulka Ciyaartooyda Burundi.

Ciyaartooyda JabuutiXulka Cayaartooyada kubadda cagta ee da’doodu tahay 20’ka sano jir ee dalka Djibouti ayaa ciyaar aad looga helay kusoo bandhigey garoonka Caalamiga ah ee “Al Xaaji Xassan Guuleed Stadium” oo ay kula ciyaareen dhigooda Burundi kulanka lugta koobaad ee isreeb reebka ciyaaraha junyerska qaaradda Africa oo kama danbeystiisa lagu qaban doono dalka Sinigal 2015.

Ciyaartooyda Jabuuti.jpg1Xulka Ciyaartooyda Djabouti ayaa gool kaga hormarey Burundi, iyadoo inta badan labada qeybood ee ciyaarta ay gacan sareeyeen xidigaha Djibouti inkastoo dhamaandkii laga dhaliyey goolkii Bar bar dhaca oo 1 1 kusoo idleeyey kulanka.

Madaxa Xiriirka Kubbada Cagta ee Djibouti Suleymaan Waaberi oo aan khadka telefoonka kula xiriirey dhamaadkii ayaa sheegay in ciyaartoydoodu ay muujiyeen karti dheeraad ah,maadaama ay tartankan usoo galeen diyaargarow sareysa uuna ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa ay ka qeybgalaan.

Mudane Suleymaan Waaberi oo ka hadlayey dhacdada Ciyaartaas wuxuu yiri : “Runtii si weeyn ayaanu uga gacansareeyney labadii qeybood inagoo hogaamineyna ayaa garsooraha waxaa uu nagu socodsiiyey qaladaad badan oo naga galay, sidaasi darteed waxay nagu heleen goolkii barbar dhaca ahaa dhamaadkii, balse waxaanu ku rajo weynahay inaan gurigooda kaga soo adkaano Ciyaarta kale”.

Sidoo kale Suleymaan Waaberi ayaa mar warbaahinta ay weydisay awooda dheeriga ah ee xulkooda halka ay ka timid iyo inay keensadeen tababare Ajnabi ah,wuxuu sheegay in xulka uu hogaamiyo Macalin Djabuuti ah,laakiin uu isaga markii la doortey uu balan qaadey inuu isbedel sameeynayo,tanina ay isbedelkaasi qeyb ka tahay.

Ciyaartooyda JabuutiMadaxa Xiriirka Kubbada Cagta ee Djibouti wuxuu intaas uu ku darey ee uu yiri : “waxaan gebi ahaanba hakiney xulkii waaweynaa inagoo kasoo bilaabeyna ciyaaryahanada qeybta hoose ee 15 jirada 17sano jirada oo dibadda kusoo qaatey tababaro labo todobaad ah,si ay uga qeybgalaan tartan caalami ah, iyo ilaa 20 sano jirada taasi oo aan fileeyno in laga heli doono xul awood sare leh”

Mudabe Waaberi ayaa ugu danbeyntii xusey in xulka junyerska 20 jirada ay iminka u diyaargaroobi doonaan ka qeybgalka lugta 2aad oo dhici doonta bishan 26keeda,sidoo kalena waxaa ay ka qeybgeli doonaan bisha Juun ee sanadkaan tartanka carabta ee Qadar ka dhici doona.

Si kastaba ha ahaatee Mudane Waaberi waxa uu si weyn ugu mahadceliyey Dowladda dalka Djibouti oo si weyn u taageertay XKCJ iyo Xulalka qaran,gaar ahaan Madaxweynaha iyo wasaaradda Sportiga ee dalka oo gacan weeyn ka siisey in kubadda cagta djabute ay horumar ku talaabsato.

SomaliSwiss Jabuuti
SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: