Xukuumadda Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay gacanta ku dhegtay Saraakiil Al- ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

astaanta-qarankaWasiir ku xigeenka wasaaradda Amaniga Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howlgallo si wadajir ah uga sameeyeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose iyo Muqdisho ku dhow ay kusoo qabqabteen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Mudane Ibraahim Isaaq Yarow oo ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amaniga ayaa sheegay in howlgal laga sameeyay degmada Qoryooleey lagu qabtay labo sarkaal oo mid ka mid ah uu sheegay inuu wax ka abaabulay weerarkii sannadkii 2009-kii lagu qaaday xarunta Xalane oo ay daggan yihiin ciidamada AMISOM.

Wasiir ku xigeenka Amniga oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay howlgal ay ka sameeyeen degmada Qoryooleey kusoo qabteen labo xubnood oo Al-shabaab muhiim u ahaa, mid ka mid ah wuxuu wax ka abaabulay weerarkii Xalane lagu qaaday sannadkii 2009-kii, sidoo kale howlgal Muqdisho ka dhacay ayaa lagu soo qabtay shan kale oo Al-shabaab ka tirsan, waa dagaalameen, iyagii iyo hubkoodiiba waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo”.

Balse, wasiirka wuxuu ka gaabsaday inuu sheego magacyada toddobadan ruux ee uu sheegay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen, balse wuxuu sheegay in xubnahan ay u gudbiyeen xerada Xalane oo talis u ah AMISOM.

Sida la wada ogsoon yahay Xarakada Al-shabaab ayaa bishii September ee sannadkii 2009 weerar ismiidaamin ah la beegsatay Xalane, iyagoo adeegsaday gaadiid ay loo ekeysiiyay kuwa ay UN-ku leeyihiin, iyadoo weerarkaas ay ku dhinteen in ka badan 20-qof oo ka mid ahaa taliye ku xigeenkii AMISOM oo u dhashay dalka Burundi.

Si kasta ha ahaatee ilaa haatan ma jiro hadal ka soo baxay Al-shabaab oo ay ku qiranayso ama ku beeninayso iyo la qabtay saraakiil sar-sare oo xoogaggeeda ka tirsan, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo wax ka abaabulay weerarkii Xalane.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: