Qaraxyo xalay ka dhacay Nairobi iyo Booliiska Kenya oo Howlgallo Ka Wada Xaafadda Islii.

police-KenyaCiidamada Booliiska dalka Kenya ayaa howlgallo ka wada xaafadda Islii ee magaalada Nairbi kadib markii qaraxyo qasaare dhimasho iyo dhawaac geystay ay xalay ka dhaceen xaafaddaasi.

Howlgallada ay ciidamada Booliiska Kenya ka wadaan xaafadda Islii ayaa yimid kadib markii Sadex Qarax ay xalay ka dhaceen xaafadaasi waxaana ku geeriyooday Lix qofood, in ka badan 25-ruux ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyadan ayaa waxay laba ka mid ah ka dhaceen laba maqaayadood oo yar-yar, halka midka kalena lala bartilmaameedsaday goobo caafimaad, mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weerarradan iyo qof loo qabtay.

Sidoo kale Booliiska ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay yihiin bum gacmeedyo, waxeyna howlgalka ku qab qabteen tiro dad ah oo ay su’aalo weydiinayaan, waxaana la sheegay in dadka ku dhintay qaraxyadaasi ay ku jiraan dad Soomaali ah.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto degmada Kamakunji oo ay Islii ka mid tahay ayaa sheegay in lala dagaalamo wuxuu ugu yeeray argagaxisada dhibaatada ku haysa shacabka Kenya iyo kuwa Soomaalida ah ee Islii ku nool.

Dhanka kale, Xildhibaanku wuxuu cambaareeyay dadka dhibaataynaya bulshada ku nool Xaafadda Islii,sidoo kale wuxuu sheegay in shacabku ay ciidanka amniga kala shaqeeyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii weerarkan ka dambeeyay.

Hase ahaatee weerarka ayaa imaanaya xilli Axadii lasoo dhaafay uu hal qof ku dhintay qarax ka dhacay mid ka mid ah dhismayaasha Islii, iyadoo booliisku ay sheegeen in ruuxa dhintay uu ahaa kii qaraxa diyaarinayay, saddex kale oo baxsad ahna ay ku baadi-goob ku hayaan.

SomaliSwiss Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: