Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saakay dib ugu soo Laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan.jpg1Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib markii uu soo dhameystay booqasho laba maalmood qaadatay oo uu ku tegay magaalada Beydhabo.

Madaxweynaha Intuu uu joogay magaalada Beydhabo ayaa waxa uu kulamo gooni gooni ah halkaasi kula soo qaatay siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo xubno ka socday dhamaan qeybaha bulshada, isagoo kala hadlay sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyin ka dhaca deegaannadaasi, isagoo ku boorriyay iney dowladda kala shaqeeyaan amniga.

Bulshada ku dhaqan magaalada Beydhabo oo ku jahawareersan Siyaasadda Shirarka lagu dhisaayo dowlad Goboleedyo iska soo horjeeda ayaa la sheegay in soo dhaweentii booqashada madaxweynaha lagu carqaladeeyey,

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: