Shirkii lagu dhisayey maamul Goboleedka Saddexda Gobol ee ka socday magaalada Baydhabo oo maanta lagu doortay Madaxweyne.

Maamul goboleedka BayShirkii maamul u sameynta saddexda gobol ee ka socday magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa maanta lagu doortay madaxweyne, iyadoo xilka ay isku soo taageen afar murashax.

Doorashada oo ka dhacday hoteelka Bakiin ee Baydhabo ayaa waxaa goob-joog ka ahaayeen 723 ergo oo ka kala yimid gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool oo ah gobollada uu maamulkan ka talin doono.

Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa loo doortay hogaamiyaha maamul goboleedka saddexda gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya, kagadaal doorasho ka dhacday Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo.

Ergadii ku shirsaneyd Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo una fadhiyay Maamulka saddexda gobol ee Koofur Galbeed ayaa saaka waxa ay madaxweyne u doorteen Maxamed Xaaji Cabdinuur oo la sheegay inay isku hooyo yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale Ergadan oo ka kala yimid gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelada hoose ayaa dooratay Madaxweynaha, waxaana codka kalsoonida siisay 713, halka 10 waa ay udiiday sida uu sheegay gudoomiyaha doorashada maamulka goboleedka saddexda gobol.

Siyaasigan loo doortay hogaamiyaha maamulka saddexda gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ka soo jeeda gobolka Bakool, waxaana ay isku heyb yihiin Sheekh Aadan Madoobe oo taageersan maamulka lixda Gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Doorashadan ayaa ah tii labaad oo ka dhacda magaalada Baydhabo, waxaa horay loo doortay Madoobe Nuunow Maxamed Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee lixda Gobol.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u kacsanaa xaalada Magaalada Baydhabo taasoo ay ka dhacayeen banaanbaxyo looga soo horjeedo maamulkan saddexda gobol ee saaka la doortay madaxweynihiisa. Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa daggan maanta

Ha yeeshee waxaa lagu soo warramay in  intii ay doorashadu ka socotay magaalada lagu arkayey ciidammo fara badan oo amniga sugaya, waxaana ay doorashadan noqonaysaa tii labaad oo madaxweyne lagu doorto oo ka dhacda magaaladaas, waxaana magaalada haatan ku sugan laba madaxweyne oo iska soo horjeeda.

Balse waxaa la ogayn sida ay xaaladdu noqon doonto, iyadoo shacabka Baydhabo ay afartii maalmood ee lasoo dhaafay dhigayeen dibadbaxyo ay ku taageerayaan maamulka uu madaxweynaha u yahay Madoobe Nuunow ee lixda gobol.

Ugu danbeyntii dadka u kur-gela ayaa is weydinaya sida ay u shaqeyn karaan maamulada is-diidan ee looga dhawaaqay magaalada Baydhabo, waxaana horay magaaladaasi loogu doortay hogaamiye Nuunow oo hogaaminaya maamul goboleedka koonfur galbeed Soomaalia oo ka kooban lix gobol oo kala ah Bay, Bakool, Shabeelada hoose, Gedo, Jubada dhexe iyo Jubada hoose.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: