Madaxweynaha Soomaaliya oo ka jeediyey shir madaxeedka Wadamada Carabta khudbad dhinac walba taabanaysa.

Shirka A.L. Kuweyt.jpg2

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kuwait ee Xarunta dalka Kuwait kaga qaybgalay shir-madaxeedkii wadamada Carabta oo sanadkan ajendihiisa ugu weyni uu ahaa horumarinta mustaqbalka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirka A.L. KuweytMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ay Safarkiisa ku wehliyaan wasiirka arrimaha dibedda C,raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka qorsheynta Siciid C,laahi,danjirayaasha iyo la taliyaasha Madaxweynaha ee dalalka carabta qaarkood ayaa khudbad dheer oo ka hadleysay xaaladda dalkeena Ka jeediyay shirka oo sanadkan ku saabsanaa horumarinta mustaqbalka wadamada carabta.

Madaxweynaha oo khudbadii uu ka jeediyey ku qorneyd Afka carabiga ayaa madaxda dalalka carbeed u sheegay xaaladda uu dalkeenu marayo gaar ahaan arimaha horumarka ah ee ka socda iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha argagaxisada isagoo ka codsaday wadamada carabta inay kaalintooda ka qaataan howlaha dib loogu dhisayo Soomaaliya oo ay xiligan qeyb ka yihiin dalal badan oo adduunka ah.

Shirkan oo uu furay amiirka dalka Kuwait Sheekh Sabaax Bin Jaabir ayaa waxaa sidoo kale xaaladda Soomaaliya ka hadlay mas’uuliyiin ay ka midyihiin amiirka dalka Qatar,xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta Nabil Al Carabi iyo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle oo kamid ah dalalka Ciidamada usoo diray Soomaaliya.

Shirka A.L. Kuweyt.jpg1

Sidoo kale shirka ayaa lagu bogaadiyay horumarada kasocda Soomaaliya iyo sida ay dowladda Federaalka ah uga go,antahay inay dalka kusoo celiso xaalad deganaansho buuxda ah.

Sida lagu soo warramayaa Shirka ayaa lagu wadaa in maanta la soo gabagabeenayo, lagana soo saaro qodobo muhiim ah oo kasoo Baxo gaba-gabadiisa.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah Magaalada Kuwait kula qaatay mas’uuliyiin katirsan dalalka Iraq,Libiya, Qatar kuwaasoo ay ka wada Hadleen sii xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya labada dal iyagoo isku soo qaaday sidii ay Wax wadaqabsi u yeelan lahaayeen dowladaha saaxiibka dhow ah.

Shirka A.L. Kuweyt.jpg3SomaliSwiss Kuweyt
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: