Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta u ambabaxay Dalka Ethiopia.

Madaxweyne Xasan.jpg1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta ka amba baxay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.

Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu sheegay inuu ka qeyb galaya shir madaxeedka 22aad ee hogaamiyeyasha Midiwga Afrika ay ku yeelanayaan magaalada Addis Ababa ee xarunta u ah Midowga Afrika.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in Shirkan uu socon doono muddo labo cisho ah, waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah uu ka furmaayo  xarunta Midowga Afrika ee dalka Ehiopia,

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa maanta gelinka dambe lagu soo gabagabeyn shirkii wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka Midowga Afrika oo shalay halkaasi ka furmay, kaasi oo loogu gogol xaarayey shir madaxeedka 22aad ee hogaamiyeyasha Midiwga Afrika oo berri uga furmaya magaalada Addis Ababa.

Sida la sheegay waxaa shirka diiradda lagu saari doonaa arrimo badan oo ku saabsan Qaaradda Afrika, gaar ahaan dhanka wax soo saarka beeraha.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: