Xerada Qaxootiga Ifo Ee Dalka Kenya oo Dab khasaare geystay Ka Kacay

Dab qabsaday...Dabkan xoogan oo  xalay ka kacay xerada qaxootiga IFO ee dalka Kenya ayaa waxa uu khasaara xoog leh ka soo gaaray dad badan oo Soomaali ah oo qaxooti ku ah xeradaasi, waxaana la sheegay in dabka uu ka kacay bartamaha suuqa xeradaasi gaar ahaan suuqa xoolaha lagu iibiyo.

Sidoo kale dabkan ayaa la soo sheegayaa in uu kacay koronto,waxaana ku bas beelay dabkaasi in ka badan 80 dukaan maadaama dukaamada ay isku dhawyihiin oo khasaaraha uu badanayo marka dabka noocaan oo kale ah uu ka kaco.

Xeradaasi ayaanan laheyn gawaarida loo yaqaano dab damisyada ee ka qeyb qaata daminta mararka dab uu ka kaco halkaasi, waxaana saakay dadka ku dhaqan xerada Ifo ay la amakaagsan yihiin dabkii xalay.

Xeradaasi Qaxootiga ee Ifo ayaa waxaa ku nool dad aad u fara badan oo Soomaali ah kuwaa oo ka cararay dagaaladii iyo bur-burkii Soo maray dalka, waxaana dadkaasi mararka qaar ay la kulmaan caqabado ka hor imaanaya, walow waayihii ugu danbeeyay dalka ay ku soo noqonayeen dadka mudada badan ka maqnaa dalka oo qaxooti ku ahaa wadankaasi Kenya.

SomaliSwiss          Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: