Warbixin uu soo saaray Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay inay si rasmi ah ugu aqoonsadeen ururka Ikhwaanul Muslimiinta dalka Masar inuu yahay Urur argagaxiso, iyadoo ururku uu qoraal arrintan ku saabsan u dirayay dalka ee xubnaha ka ah.
Iyadoo aan wali si gaar gaar ah aan uga dhawaaqin dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta goāaankooda ayaa haddana waxay tani imaanaysaa iyadoo dowladda Masar ay horay ugu dhawaaqday inay ururkaas u aqoonsatay urur argagaxiso.
Sidoo kale Ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa waxay ahaayeen taageerayaashii ugu ballaarnaa ee doortay Madaxweynihii hore ee dalkaas, Maxamed Mursi oo ay xukunka ka tuureen sannadkan ciidamada milateriga Masar.
Ciidamada amaanka Masar ayaa shalay xoog ku galay jaamacado ku yaalla dalka Masar oo ay ku jirto jaamacadda Al-Azhar iyagoo xirxiray 39-ruux oo ardaydii jaamacadahaas wax ka baranayay ah, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay xubno ka yihiin urruka la mamnuucay.
waddanka Masar waxaa ka socda mudaaharaadyo lagu diidan yahay in ururka Ikwaanul Muslimiin loo aqoonsado urur argagaxiso iyo xabsiga lagu sii hayo madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursi.
Dadka mudaaharaadayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah ciidamada Masar, iyagoo dalbanayay in xabsiga laga sii daayay madaxweynihii sida sharciga ah lagu soo doortay laguna soo celiyo xukunka.
Dhanka kale, ugu dambeyntii, ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa ku dhawaaqay in bartanka bisha Jannaayo ee soo socda ay ku qaban doonaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Masar dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan xukunka milateriga iyo goāaannada kasoo baxay.
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Qaahira
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.