Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda ay warbixin ku saabsan Hindise Sharciyeedka dhismaha Bankiga horumarinta iyo dib u dhiska Dalka kaga dhageysteen Gudiga Maalliyadda, Miisaaniyadda iyo La xisaabtanka hay’adaha Dowladda.
Sidoo kale Fadhiga Baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray 159 Xildhibaan waxaana shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayadoo ajandaha Baarlamaankana uu ahaa dhageysiga warbixinta gudiga Maalliyadda, Miisaaniyadda iyo la xisaabtanka ee Baarlamaanka ee la xiriirta Hindise Sharciyeedka dhismaha Bankiga Horumarinta iyo dib u dhiska Dalka, ayadoo gudoomiyaha Bankigaasina uu goobjoog ka ahaa kulanka.
Xogheynta gudiga Maalliyadda, Miisaaniyadda iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda Xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali oo Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor aqriyey Hindise sharciyeedkan iyo waxyaabaha wax ka bedelka lagu sameeyey ayaa sheegay in qodobada cusub ee ay kusoo kordhineyeen Hindise Sharciyeedkan uu ka mid yahay qaab dhismeedka Bankiga Horumarinta iyo dib u dhiska Dalka, shirkadihii bankigu amaahda ku lahaa cida dabagaleysa, sidoo kalena waxey gudigu wax kasoo bedeleen qodobka Shanaad ee Hindise Sharciyeedkan oo quseeya qaab dhismeedka Raasumaalka bankiga.
Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Maxamed Deer oo ah Gudoomiyaha gudiga Maalliyadda, Miisaaniyadda iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda oo isna soo jeedintaasi kadib ka hadlay kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa xildhibaannada usii sharaxay qodobada ay gudigoodu wax ka bedelka kusoo sameeyeen, waxaana uu si gaar ah u sharaxay siyaabaha ay wax ka bedelka gudigoodu ugu soo sameeyeen qodobada sida gaarka ah u quseeya deymaha Bankiga lagu lahaa iyo raasumaalka.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo soo xeray fadhiga Baarlamaanka ee maanta ayaa tilmaamay in sida uu qabo qodobka 46aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka oo ku saabsan soo bandhigada warbixinta gudiga ee Hindise Sharciyeedka waxaana uu sharaxay marxalada uu hada marayo Hindise Sharciyeedkan.
Muddo Seddex cisho ah kadib ayey Xildhibaannada Baarlamaanku dib u bilaabi doonaan ka doodista soo jeedinta gudiga Maalliyadda ee Baarlamaanka, ayadoo Xildhibaannadana ay talooyinkooda ku biirin doonaan si uu Hindise Sharciyeedka dhismaha Bankiga Horumarinta iyo dib u dhiska Dalka ugu gudbo marxaladiisa ugu dambeysa.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.