Urur ka IGAD ayaa Madaxda is-khilaafsan ee wadanka Koonfurta Sudaan ugu baaqay in muddo afar maalin gudahood ah ay wada yeeshaan kulan fool-ka fool ah si meesha looga saaro khilaafka keenay khasaaraha sii kordhaya ee ka dhacay Dalkooda.
Wadamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD Â ayaa baaqan si wada jir ah u soo saaray, waxaana jiri doonta tallaabooyin hor leh oo ay qaadan doonaan urur goboleedka IGAD haddii xal ay gaari waayaan fariinta loo diray
Ururkan oo ay ku bahoobeen Wadamada ay kamid yihiin Itoobiya ,Jabuuti, Uganda, Soomaaliya, Kenya iyo waliba Suudaan
Mr. Tedros Adhanom oo ah Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegay in ay ka digayaan khataraha ka dhalan kara colaadda oo sii korarta, isagoo xusay in dalabka ay soo jeediyeen u yahay mid ahmiyad gaar ah u leh amniga guud ee gobolka.
Wadamada xubnaha ka ah Ururka IGAD oo  shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi ka dib, ayaa waxay si adag u canbaareeyeen tacdiyadda ka dhanka ah xuquuqul- aadanaha ee ka socda Koonfurta Suudaan oo ay kamid tahay kufsiga loo gaysanayo haweenka.
Madaxweynaha hadda talada haya ee Salva-kiir iyo madaxweyne ku xigeenkii hore oo isna lagu magacaaba Machar ayaaa ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kala qaadaan ciidamadooda u dagaallamaya si loo bad-baadiyo kumanan ruux oo u badan haween iyo caruur.
Sidoo kale Urur goboleedka IGAD ayaa kula biiray dowladda Maraykanka canbaareynta loo jeedinayo Machar ee ku aadan in si sharci darro ah uu ku doonayay afganbi uu ku sameeyo dowladda uu Salvakiir hogaamiyaha ka yahay, iyadoo horey arintan ay uga biya diideen hogaamiyayaal kale oo ka tirsan wadamada dariska ah.
Si kasta ha ahaatee Madaxweyne Salva-kiir oo shirkaas u matalayay wasiirkiisa arimaha dibadda Mr. Barnaba Maria, ayaa waxaa  xubnihii ka wada qayb-galay ay dhamaantood u  jeediyaan in taageero dheeri ah lagu bixiyo dadaallada lagu doonayo in xal loogu helo wadankiisa.
SomaliSwiss   Nairobi
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.