Madaxweynaha Somalia oo Magaalada Nairobi kula kulmay Dublamaasiyiin heer caalami ah.

Madaxweyne_Xasan & DublamaasiyiinMadaxweyne Xasan Sh. Maxamuud  ayaa kulammo gaar-gaar ah shalay iilaa yo xalay magaalada Nairobi kula qaatay dublamaasiyiin caalami ah, isagoo kala hadlay xaaladda dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la kulmay madaxda ay ka midka yihiin Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemarian Deselegn oo uu kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la joojiyo colaadda ka dalka Koonfurta Suudaan ka taagan si looga hortago dagaal ahli ah oo ka dhaca dalkaas cusub ee Afrika.

Madaxweynaha waxaa hoyga uu ka deggen yahay Nairobi kusoo booqday dublamaasiyiinta beesha caaalamka ah oo uu kala hadlay xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta Soomaaliya.

Sidoo kale, Dublamaasiyiintii uu madaxweynaha la kulmay waxaa ka mid ahaa ergeyga gaarka ah ee dowladda Mareykanka ee u qaabilsan dalka Soomaaliya, James P. McAnulty, safiirka Belgium u fadhiya Kenya, Bart Ouvry, ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika, Alex Rondos iyo xubno kale.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Mas‘uuliyiintan kala hadlay xaaladda Koonfurta Suudaan iyo sida ay muhiimka u tahay in si deg-deg ah wax looga qabto, isagoo tusaale u soo qaadanaya arrimaha Soomaaliya oo uu sheegay haddii caalamku ay 1990-kii wax ka qaban lahaayeen Soomaaliya inuusan ku dhici lahayn bur-bur, isla markaana tusinayay in laga hortago colaadda Koonfurta Suudaan si aysan isagu bedelin kuwo qatar u keena geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dublamaasiyiinta u sheegey in ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed uu dhawaan soo dhisayo xukuumad ka tarjumeysa marxaladda dalku uu ku sugan yahay, isla markaana isbedelka soo socda uu yahay mid rajo weyn gelinaya shacabka iyo dalka.

Dhanka kale, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xukuumadda cusub looga fadhiyo inay dar-dargeliso howlo muhiimka ah, sida ammaanka, maamul-wanaagga, dib u eegista dastuurka, dhaqan-gelinta federaalka, fulinta dhammaan howlaha ku xusan dastuurka KMG ah si dalka loo gaarsiiyo dalka doorashooyin xor ah.

Ugu dambeyntii, Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday dublamaasiyiintii uu la kulmay inay dar-dar geliyaan sannadka soo socda ee 2014-ka kaalmada iyo saacidaada ay la garab-taagan yihiin Soomaaliya si ay ugu sahlanaato in xukuumadda cusub ay howlaha horyaalla u fuliso.

SomaliSwiss        Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: