Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sh. Axmed Maxamed oo xalay kulan la qaatay haween ka socday gobollada dalka qaarkood iyo weliba magaalada Muqdisho kaasoo looga hadlay sidii haweenka ay kaalin muhiim ah ugu yeelan lahaayeen hoggaaminta dalka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Haweenkii kulanka ka hadlay ka dhageystay talooyinkii ay siiyeen waxaa ka mid ahaa inuu il-gaar ah ku eego haweenka uuna kaalin mug leh ka siiyo xukuumaddiisa si ay qayb uga qaataan aayo ka talinta Soomaaliya.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Somalia oo hadal ka jeediyey Munaasabaddaas ayaa wuxuu ku dheeraaday kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed isagoo carrabka ku adkeeyay in gabadhaha ay soo celin karaan midnimada ummadda Soomaaliya, isagoo xusay in xukuumaddiisa ay fursad weyn siin doonto gabadhaha Soomaaliyeed si ay uga qaybqaataan dib u dhiska dalka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed, wuxuu xusay in khudbadiisii uu ku sheegay in haweenku ay kaalin ka qaadan karaan dib u dhiska dalka, dhaqaalaha soo celinta, federaaliisimka, horumarinta arrimaha bulshada iyo adeegyada guud. Isagoo intaas ku daray in habka uu ku shaqeyayo xafiiskiisa uu meel weyn ka geliyay haweenka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in qorshaha xukuumaddiisa ay ka mid tahay sidii looga hortegi lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee badaha ku le’anaya, kuwaasoo uu sheegay inay dhibaatooyin badan ku haystaan dalalka dunida qaarkood, sida Yemen iyo Sucuudiga oo uu kasoo shaqeeyay.
Ra’iisul wasaaraha. oo ka hadlaya dhibaatada dhalinyarada Soomaaliyeed wuxuu yiri: “Waxaan akhriyay qoraal ka hadlaya dhibaatada dhalinyarada Soomaaliyeed ku haysata dalalka caalamka, sida Suudiga iyo Yemen, kuwaasoo haweenku ay iyagoo dhibaateysan ku dhalaan, qaarkoodna ay ku badda ku dhacayaan, waana inaan qorshaha ku darsanaa sidii aan kuwaas u badbaadin lahayn”.
Si kasta ha ahaatee Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ra’iisul wasaaraha Somalia uu la yeeshay haween Soomaaliyeed oo gobollada dalka qaarkood iyo magaalada Muqdisho ka socday.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.