General Maxamuud Xasan oo ah Taliska Qeybta 1-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Dadka weli ka maqan guryahooda inay dib ugu soo laabtaan kadib markii Ciidamada Xoogga dalka ay la wareegeen gacan ku haynta Amniga degmada number 50 kadibna ay ku wareejiyeen Ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda Qaranka.
Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay deegaanka ku wareejiyeen ciidamada nabad sugida iyo booliska oo gaaray degaankaasi, waxa uuna General Qaafoow tilmaamay in ciidamada milateriga  ay halkaasi ku kala qaadeen labadi maleeshiyo beeleed ee uu dagaalku dhex marayay dadka deegaankuna ay codsadeen in la keeno ciidamo boolis iyo nabad sugid ah si ay u sugaan amniga deegaanka.
Sidoo kale Gen. Maxamuud Xasan Qaafoow wuxuu ugu baaqay dadkii ku noolaa deegaanka N-50 ineey guryahooda ku soo laabtaan islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidamada booliska iyo nabad sugida kuwaas oo iyagu si buuxa ula wareegay ammaanka deegaankaasi.
Dhanka kale Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horay ugu guuleystay inay kala dhex galaan maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamay deegaanka N-50 ee gobalka Sh/Hoose, iyagoo shalayna ku wareejiyay amaanka deegaankaasi ciiidamo isugu jirro nabad sugid iyo boolis, kuwaasi oo haaatan si buuxda u sugaya amaanka deegaankaasi iyadoo dhinaca kalena dowladu waddo dadaalo ay ku dhex dhexaadineyso dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka N-50 si loo baajiyo colaad mar kale halkaasi ka dhacdo.
SomaliSwiss      Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.