Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa ugu baaqay wasiirrada cusub ee xukuumadda lasoo dhisayo inay dagaan degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Tarsan ayaa sheegay in wasiir dega madaxtooyada oo halkaas isku kooban uusan wasiir u noqonayn shacabka, balse uu yahay kaligii wasiir, waxaana ku talinaynaa in wasiirrada cusub ay shacabka la dagaan.
Duqa magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in wasiirrada cusub aysan la mid noqon kuwii ka horreeyay oo ahaa kuwo aan soo dhaafin madaxtooyada oo halkaas uuna iska jooga, wax xiriir ah oo shacabka kala dhexeeyana aysan jirin.
Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlayey dhinaca ammaanka wuxuu yiri: “Waan la socdaa in suuqa la geliyay in degmooyinka Muqdisho qaarkood ay yihiin kuwo aan ammaan ahayn oo la degi karin, ayna saldhigyo ku leeyihiin kuwa dhiigga dadka banneystay ee Al-shabaab, taasna waa been” .
Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qaybgalay xaflad lagu furayay xarunta degmada Dayniile oo muddo saddex sano ka badan uusan ku shaqeyn guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa shacabka degmadaas ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda degmadooda.
Si kasta ha ahaatee ma ahan markii ugu horreysay oo guddoomiyaha gobolka Banaadir uu wasiir ama xildhibaan ka tisran baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay dagaan degmooyinka gobolka Banaadir si ay shacabka macaamil wanaagsan ula sameystaan.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.