Wafdigii dhex dhexaadinta beelihii ku dagaallamay Gobolka Sh/Hoose oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

???????????????????????????????Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wafdigii uu hogaaminayey oo ka koobnaa Xildhibaanno iyo Odayaal dhaqameed ayaa galinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay Magaalada muqdisho ka dib muddo sadex maalmood ah oo ay howlo dhex dhexaadin ah u joogeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Xubnaha wafdiga ayaa mudadii ay joogeen Gobolka waxay socdaal ku soo kala bixiyeen degmooyinka janaale iyo Number 50 ka dib markii ay dagaal beeleedyo ay ku soo lab laabteen maalmihii ugu dambeeyay inkastoo wafdigu uu ku guuleystay inuu kala qaado maleeshiyaadkii is horfadhiyay islamarkaana maleeshiyaadkaasi  ay ku xareeyeen Xerooyin ay ciidamada milateriga ku leeyihiin gobolka shabeellada hoose si loo Qaramaeeyo.

Mudane C/Xakiim Xaaji Faqi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in safarka wefdigaasi guul ku soo dhamaaday isagoo sharaxaya waxyaabaha ay isla meel dhigeen, isagoo sheegay halka lagu dagaalamay ay geeyeen Ciidamo nabadda suga oo AMISO iyo kuwa Soomaali ah.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose C/qaadir Siidii wuxuuna si aad ah u soo dhaweeyay guulaha uu wefdiga ka socda dowladda ka gaareen xallinta khilaafaadka iyo dagaal beeleedyada halkaasi dhawaan ka dhacay.

Sidoo kale Xildhibaan Cumar maxamuud Cumar finish oo ku hadlayay magaca xildhibaannada xubanha ka ahaa wafdiga Dowladda ee tagay Shabeellada hoose ayaa soo dhaweeyay sida uu wafdiga ugu guuleystay in maleeshiyaadkii la kala qaado si xal waara loo gaaro.

Muddadii ay joogeen Xubnaha wafdiga Gobolka Shabeellada hoose waxa ay soo booqdeen Goobo dab la qabad siiyay sida guryo,Goobo Ganacsi , iyo Makiinnado si gaar ah loo leeyahay,  kuwaasi oo ku yaalla degmada number 50. Iyadoo dadka ku hantida beelayna ay ka codsadeen dowladda federaalka ah iyo hay’adaha samafalka ka shaqeeya in ay u soo gurmadaan maadaama aysan haysan wax ay ku noolaadaan iyo hooy ay degaan intaba…

Dhanka kale Dowladda Soomaliaya ayaa juhdi iyo dedaal dheer ku bixisay xallinta khilaafaadka ku salleysan is qab qabsiga beelaha iyadoo wafuud kala duwan u dirtay gobollo kale oo ka baxsan gobolka shabeellada hoose sida Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: