Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka warbixiyay halka ay mareyso howlihii nabadeynta ahaa ee lagu dhex dhex dhexaadinayay beelihii dhawaan dirirtu ay  ku dhex martay qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose in xal weyn laga gaaray colaadaasi.
Mudane C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu kaga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida uu ugu jawaabay Colaadda ka soo cusboonaatay deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaana wafdi heer Qaran ah uu u diray gobolka si xaal looga gaaro Colaadda.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay wafdigii howlaha nabadeynta ahaa u tagay Gobolka ee  isugu jiray wasiiro, xildhibaano, iyo odayaasha dhaqanka ayaa kormeeray dhamaan goobihii ay colaada ku dhexmartay beelihii halkaasi ku diriray islamarkana ay ku guleysteen in waa waan ay kala dhex dhigaan beelahaasi, isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in hishiis iyo is afgarad ay wada gaaraan dadkii halkaasi colaada ku dhexmartay.
Mudane C/qaadir Nuur Siidii oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in xaaladda gobolka dhanka amaanka uu yahay mid aad u wanaagsan, waxaana uu carabka ku dhuftay in wada hadalka la gaaray ay horseeday in go,aan lagu gaaray in dhamaan jid gooyooyinkii yiilay qeybo ka mid ah gobolka Sh/ hoose gabi ahaanba la qaado dhawaana ay ay guda gali donaan bur-burinta gobahaasi.
Sida la sheegay in Wafdigii isugu jiray wasiiro xildhibaano, iyo odayaal dhaqmeed oo baryahaan ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Sh/ hoose ayaa ku guleystay in hishiis ay kala dhex dhigaan beelihii dhawaan halkaasi ku diriray iyagoo  guul ka gaaray joojinta colaadii baryahaan halkaasi ka taagneed iyadoo haatan qorshuhu uu yahay sidii ciidamo loo geyn lahaa goobihii rabshaduhu ay ka dhaceen
SomaliSwiss           Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.