Taliyaha Hogaanka laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jen. C/llaahi Gaafow ayaa sheegay in is bedel weyn lagu sameeyay qaababkii awal lagu qaadan jiray baasaboorka, isagoo cadeeyay in nidaam cusub lagu soo kordhiyay, kaasoo qeyb ka ah sugida ammaanka dalka.
Gen. Gaafow oo la hadlayay warbaahinta afka dowladda ku hadasha ee radio muqdsho ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeyay qaadashada baasaboorka cusub loo soo marayo dowladda hoose, isagoo cadeeyay in dhamaan gobolada dalka ay geeyeen qalab casri ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dalka gudihiisa la keenay qalabka casriga ee lagu sameynayo baasaboorka, isla markaana dowladda ay leedahay qorshaha guud ee sameynta baasaboorada, waxaana uu intaa raaciyay inay ka duwan tahay qaababkii hore ee baasaboor qaadashada oo awal dalka dibadiisa lagu sameyn jiray.
“Hada shirkadii hore waa bedelnay, shirkad dalka gudihiisa ka shaqeyneysa ayaa keenaya, ma ahan wax shirkada sameyneysa ay leedahay waa naga caawineysaa sameynta baasaboorka, qalabka dowladda is ka leh iyo Data Base dhamaan macluumaadka qofka lagu xareynayo”ayuu yiri Jen. Gaafow.
Isago hadalkiisa sii wata ayaa taliyaha Hogaanka Socdaalka ayaa sheegay in qof kasta oo jooga gobolada dalka loo fududeeyay qaadashada baasaboorka, isagoo tilmaamay in loo mari doono hada dowladda hoose ee maamulada gobolada.
“Qofka qaadanaya Baasaboorka ama ha joogo Beledweyn, Cadaado iyo Dhuusa Mareeb, wuxuu tagayaa dowladda Hoose ee Maamulada gobolada, marka hore wuxuu ka qaadanayaa warqada aqoonsiga, warqad dhalashada iyo marka saddexaad wuxuu tagayaa Booliska CID, halkaas ayaa farihii looga soo qaadaya, kadib ayaa baasaboorka la siinayaa”ayuu yiri Jen. Gaafow oo tilmaamay in qaababkii hore ee qaadashada Baasaboorka E-Passport ay wax ka bedeleen.
Dhanka kale Jen. Gaafow ayaa sidoo kale tilmaamay in dhinaca qarashka baasaboorka aan wax is bedel lagu sameyn, isla markaana uu wali yahay qiimihii awal lagu qaadanayay ee gaareysay $87 (Sideetan iyo todobo dollar)
Si kastaba ha ahaatee maalintii shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu daah furay nidaamka cusub ee lagu qaadanayo baasaboorka cusub ee E-Passport, kaasoo uu noqonay qaab casri ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.