Jaaliyadda Soomaalida ee degan Jeddah oo xalay qabtay Munaasabad lagu Taageerayay go’aanka Baarlamaanka ee Ansixinta Ra’isal Wasaaraha.

MunaasabadXaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu tageerayay ansixinta Ra’isul Wasaare C/weli Sheekh Axmed oo  shalay Baarlamaanka dalka ay ansixiyeen, iyadoo munaasabadaasi ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada jiddah iyo Qunsuliyadda guud magaaladaasi ee boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Munaasabad.jpg1

Mudane Daahir Axmed Wehliye oo ah  Qunsuliyada Guud Soomaaliya ee  ku leedahay Magaalada Jiddah  oo hurmuud ka ahaa munaasabadaasi oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa wuxuu sheegay in ay soo dhaweynayaan  siinta codka kalsoonida ay siiyeen Baarlamaanka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed.

Waxaa xafladdaas ka hadlay Ex Xildhibaan C/llaahi Raage waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la taageero Xukuumadda Soomaaliya si loo gaaro horumar iyo amni, waxaana Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ugu baaqay in ay fududeeyaan ansixinta xukuumadda uu Soo dhisayo Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee waxaa ugu danbeyntii Qunsuliyadda Guud ee Soomaaliya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed magaalada Jiddah ee boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa munaasabadda ka balan qaaday in ay taageerayaan Dowlada Soomaaliyeed, ayna rajo ka qabaan in dalka uu gaaro horumaro kala duwan oo dhinac waliba leh.

SomaliSwiss    Jiddah

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: