Madaxweynha Dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo Maanta Horatgaya Baarlmaanka si Ra’iisul Wasaaruhu u helo codka kalsoonida

Ra'iisal-waasaraha CusubMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa in baarlamaanka uu horgeeyo Ra’isul Wasaaraha dhawaan uu soo magacaabay si baarlamaanka Codka kalsoonida ay u siiyaan, iyadoo guddoonka Baarlamaanka uu iclaamiyay maanta kulanka baarlamaanka in codka kalsoonida loogu qaado  Dr C/weli.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in khudbad uu ku faah faahinayo waxyaabaha uu ku xushay Ra’isul wasaaraha magacaaban iyo waxa uu ka filayo in dalkani uu u qabto, iyo sida uu u doonayo baarlamaanka dalka in codka kalsoonida ay siiyaan Dr  C/weli Sheekh Axmed Maxamuud.

Sidoo kale waxaa iyana la filayaa in kulanka maanta baarlamaanka uu ka jeediyo khudbad Ra’isul Wasaaraha magacaaban ee maanta codka kalsoonida loo qaadayo taa uu ku bal balaarin doono waxqabadka uu la imaan doono marka codka kalsoonida la siiyo iyo xukuumadda uu soo dhisayo waxa ay noqoneyso.

Xildhibaan Maxamuud Cumar  oo ka mid ah xogheynada Barlamaanka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyay kulanka baarlamaanka uu ka yeelanayo kalsooni siinta Ra’isul Wasaaraha magacaaban C/weli Sheekh Axmed Maxamuud.

Kulanka maanta ee Baarlamaanka oo Codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’isul Wasaaraha magacaaban ayaa waxa ay noqon doonaa mid gacan taag ah sida uu qabo qodobka 39-aad  iyo 69-aad oo cadeynayo arrimaha la xririira kalsooni siinta Xukuumadda iyo Wasiirka Koowaad.

Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta hortagaya baarlamaanka si loogu qaado codka kalsoonida, iyadoo lagu wado inuu hadallo kooban xildhibaannada u jeediyo markii uu hortago.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane C/weli Sheekh ayaa waxaa la magacaabay bartamihii bishan kaddib markii xildhiabannada baarlamaanka ay codka kalsoonida ah kala laabteen xukuumaddii uu horkacayay ra’iisul wasaarihii hore Saacid Faarax Shirdoon oo hadda howsha xukuumadda sii wada.

“Waxaa maanta baarlamaanka horimaanaya ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh si codka kalsoonida ah loogu qaado,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xoghayayaasha baarlamaaka Soomaaliya.

Xidhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray in ajandaha maanta ee baarlamaanka uu yahay cod u qaadista ra’iisul wasaaraha cusub, iyadoo xusay in codadka uu ku gudbi karo ay yihiin konton lagu daray hal.

“Ajandaha ugu weyn ee baarlamaanka maanta waa cod u qaadista ra’iisul wasaaraha cusub, waa dhici kartaa inay soo dhexgalaan xildhibaan cusub oo la dhaarinayo iyo arrimo noocaas ah, balse ajandaha ugu weyn ee maanta waa cod u qaadista ra’iisul wasaaraha cusub,” ayuu yiri Maxamed Cumar oo ka jawaabayay inay jiraan howlo kale oo baarlamaanka horyaalla maanta.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa lagu waday inuu golaha baarlamaanka hor-tago Arbacadii lasoo dhaafay oo ay bishan ahayd 18, balse dib ayaa loo dhigay sida ay sheegeen guddoonka baarlamaanka, iyadoo dib u dhigsta lagu macneeyay arrimo farsamo.

Mudane C/weli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu si toos ah xilka ula wareego haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka, iyadoo sidoo kalena ay sugayso inuu soo magacaabo golihiisa cusub ee xukuumadda.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: