R/wasaaraha cusub ee dalka Mudane C/weli Sheekh Axmed oo maanta Xildhibaanafa Baarlamaanka siiyey R/wasaare C/weli Sheekh Axmed, kadibna la dhaariyay.

Barlamaanka 1Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maaanta codka kalsoonida ah siiyay R/wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud saakay horgeeyay Madasha Codbixin Baarlamaanka. Continue reading

Madaxweynha Dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo Maanta Horatgaya Baarlmaanka si Ra’iisul Wasaaruhu u helo codka kalsoonida

Ra'iisal-waasaraha CusubMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa in baarlamaanka uu horgeeyo Ra’isul Wasaaraha dhawaan uu soo magacaabay si baarlamaanka Codka kalsoonida ay u siiyaan, iyadoo guddoonka Baarlamaanka uu iclaamiyay maanta kulanka baarlamaanka in codka kalsoonida loogu qaado  Dr C/weli. Continue reading

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya oo xalay ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo Taliska Booliska soo qaban qaabiyay oo lagu qabtay Muqdisho.

Madaxweeyne Hasan & Xuska Booliska.jpg1Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu xalay ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo Taliska Booliska  soo qaban qaabiyay Taliska ciidamada Booliska soomaaliyeed, islamarkaana lagu xusayay xuska 70 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidamada booliska Soomaaliyeed,  ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliye, xubno ka mid ah labada gole ee dowladda, Taliyeyaasha ciidamada booliska, xooga dalka, sirdoonka iyo nabad sugida Qaran, saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska iyo marti sharaf kale. Continue reading

%d bloggers like this: