Ururka dalalka Islaamka (OIC) oo ogolaaday howlgelinta sanduuqa dhaqaalaha Soomaaliya.

Flag_of_OICWakiilka Soomaaliya ee ururka OIC oo dhawaan ka qayb-galay shir ay yeesheen dalalka Islaamka oo lagu qabtay magaalada Conakry iyo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa sheegay in lagu guuleystay in la ogolaado in la howlgeliyo sanduuq dhaqaale Soomaaliya, isagoo xusay in hay’adda Zamzam Foundation loo aqoonsaday inay ka mid noqodo bahda OIC. Continue reading

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo u magacaabay qof dhasahay Switzerland ku xigeenka Wakiilka gaar ah ee QM Soomaaliya.

Ban-ki-moon.Mr.Ban Ki Moon ayaa siyaasi u dhasahay dalka Iswiiserland oo lagu magacaabo Pillip Lazzarini u magacaabay ku xigeenka wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya. Continue reading

Jaamacadda Carabta oo Ururka Ikhwaanul Muslimiinta Masar u Aqoonsadeen Urur Argagaxiso ah.

Arab_LeageWarbixin uu soo saaray Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay inay si rasmi ah ugu aqoonsadeen ururka Ikhwaanul Muslimiinta dalka Masar inuu yahay Urur argagaxiso, iyadoo ururku uu qoraal arrintan ku saabsan u dirayay dalka ee xubnaha ka ah. Continue reading

Xerada Qaxootiga Ifo Ee Dalka Kenya oo Dab khasaare geystay Ka Kacay

Dab qabsaday...Dabkan xoogan oo  xalay ka kacay xerada qaxootiga IFO ee dalka Kenya ayaa waxa uu khasaara xoog leh ka soo gaaray dad badan oo Soomaali ah oo qaxooti ku ah xeradaasi, waxaana la sheegay in dabka uu ka kacay bartamaha suuqa xeradaasi gaar ahaan suuqa xoolaha lagu iibiyo. Continue reading

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo xafiiskeeda ku qaabishay Wafdi ka socda dowladda China oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Muqdisho.

 Wasiirka Arr. Dibedda Somalia.jpg1Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H.Adam ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Wafdi uu hogaaminayo Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya Mr. Wei Hongtian oo gelinkii hore ee maanta soo gaaray Caasimadda Muqdisho. Continue reading

Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka oo Uga Warbixiyay Xildhibaanada Hindise Sharciyeedka Dhismaha Bankiga Horumarinta.

???????????????????????????????Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda ay warbixin ku saabsan Hindise Sharciyeedka dhismaha Bankiga horumarinta iyo dib u dhiska Dalka kaga dhageysteen Gudiga Maalliyadda, Miisaaniyadda iyo La xisaabtanka hay’adaha Dowladda. Continue reading

Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo sheeday in Khilaafka iyo Murannada soo dhexgalaMadaxda Sare Soomaaliya inay ka dhashaan kalsooni-darrada

MMadaxweynaha djabuutiadaxweyne, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horreysay ka hadlya khilaafka soo dhexgala madaxda Soomaalida, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inta uu socdo xilliga ay wada-shaqeynayaan. Continue reading

Ururka IGAD oo Muddo afar casho u qabtay in lagu dhameeyo Colaadda ka aloosan Dalka Koonfurta Suudaan

IGAD_Shirkii_Nairobi.jpg1Urur ka IGAD ayaa Madaxda is-khilaafsan ee wadanka Koonfurta Sudaan ugu baaqay in muddo afar maalin gudahood ah  ay wada yeeshaan kulan  fool-ka fool ah si meesha looga saaro khilaafka keenay khasaaraha sii kordhaya ee ka dhacay Dalkooda. Continue reading

Madaxweynaha Somalia oo Magaalada Nairobi kula kulmay Dublamaasiyiin heer caalami ah.

Madaxweyne_Xasan & DublamaasiyiinMadaxweyne Xasan Sh. Maxamuud  ayaa kulammo gaar-gaar ah shalay iilaa yo xalay magaalada Nairobi kula qaatay dublamaasiyiin caalami ah, isagoo kala hadlay xaaladda dalka Soomaaliya. Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheikh oo wadamada IGAD ku booriyey inay dadaal walba ku bixiyaan sidii loo joojin lahaa Xiisadaha Koonfurta Suudaan.

IGAD_Shirkii_Nairobi.jpg1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka qeybgalay shir madaxeedka dalalka IGAD looga hadlayey xaaladda dalka South Sudan ayaa wuxuu yiri “IGAD waa inay juhdi walba ku bixisaa si loo xaliyo South Sudan.†Continue reading

Qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

qarax-nairobiSida lagu soo warramay waxaa ka dhacay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir Qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana qarax ku dhintay dad gaaraya 11-qof, intaas in ka badanna waa ay ku dhaawacmeen. Continue reading

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh oo xalay la kulmay haween ka socday Gobollada dalka iyo Magaalada Muqdisho

Ra'iisal-waasaraha CusubRa’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sh. Axmed Maxamed oo xalay kulan la qaatay haween ka socday gobollada dalka qaarkood iyo weliba magaalada Muqdisho kaasoo looga hadlay sidii haweenka ay kaalin muhiim ah ugu yeelan lahaayeen hoggaaminta dalka. Continue reading

Magaalada Muqdisho oo ka Furmay Kulanka Wadatashiga Mustaqbalka Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Gudd. Baarlamaanka & DhallinyaradaGudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa furay kulanka wada-tashiga ah oo looga hadlayay mustaqbalka dhallinta Soomaaliyeed kaasoo uu soo qaban-qaabiyey naadiga dhallinyarada baarlamaanka Soomaaliya. Continue reading

Caasimadda dalka Holland Amsterdam oo lagu soo gaba gabeeyay Ciyaaraha Soomaalidaee Hirda Amsterdam AFT 2013ka.

Ciyaaraha_HIRDA_Holland_Waxaa magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands lagu soo gaba-gabeeyay cayaaraha Soomaalida 2013ka, ee HIRDA AFT kaasoo sannadkii sagaalaad ka dhacay Holland, iyadoo sanadkan lagu xusayay hoggaamiyihii dalka Koonfur Afrika ee dhawaan geeriyooday Nelson Mandella. Continue reading

Ra’iisul-Wasaare C/weli Sh. Axmed oo Maanta si Rasmi ah ula Wareegay xilka Ra’iisul Wasaarinnimo ee Soomaaliya

Xilwareejin.jpg1Xaflad ballaaran oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah xilka ugula wareegay ra’iisul wasaaraha cusub, C/weli Sh. Axmed Maxamed, iyadoo munaasabadda ay goob-joog ka ahaayeen ra’iisul wasaarihii hore ee xilka wareejinayay, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud. Continue reading

Taliska Qeybta 1-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ugu baaqay dadkii Ka Barakacay Deegaanka N-50 inay dib ugu soo laabtaan Guryahooda

ciidanka xooga dalkaGeneral Maxamuud Xasan oo ah Taliska Qeybta 1-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Dadka weli ka maqan guryahooda inay dib ugu soo laabtaan kadib markii Ciidamada Xoogga dalka ay la wareegeen gacan ku haynta Amniga degmada number 50 kadibna ay ku wareejiyeen Ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda Qaranka. Continue reading

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dowladda ku wargeliyey in Wasiirrada ay Dagaan Degmooyinka si ay dadka u dhex-galaan.

TarsanMudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa ugu baaqay wasiirrada cusub ee xukuumadda lasoo dhisayo inay dagaan degmooyinka gobolka Banaadir. Continue reading

Wafdigii dhex dhexaadinta beelihii ku dagaallamay Gobolka Sh/Hoose oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

???????????????????????????????Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wafdigii uu hogaaminayey oo ka koobnaa Xildhibaanno iyo Odayaal dhaqameed ayaa galinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay Magaalada muqdisho ka dib muddo sadex maalmood ah oo ay howlo dhex dhexaadin ah u joogeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose. Continue reading

Guddoomiyaha baarlamaanka Somali oo sheegay in Xukuumadda cusub looga fadhiya inay abuurto Mashaariic looga hortagaya Shaqo la’aanta

G. Barlamaanka JawaariMudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in xukuumadda cusub looga fadhiyo inay abuurto mashaariic fara badan si dhallintu ay uga baxaan shaqo la’aanta haysata. Continue reading

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo sheegay in Madaxweynaha Dalka uu Xoogga saaray sidii loo Dhex Dhexaadin lahaa Beelaha ku dagaalamay Gobolka.

???????????????????????????????Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka warbixiyay halka ay mareyso howlihii nabadeynta ahaa ee lagu dhex dhex dhexaadinayay beelihii dhawaan dirirtu ay  ku dhex martay qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose in xal weyn laga gaaray colaadaasi. Continue reading

Wasiiradda dibadda Soomaaliya oo sheegtay in Kumannaan Muwaadiniin Soomaali ah ay ku xayiran yihiin Magaalooyinkadalka Koonfurta Suudaan ee Colaada ka socota.

wasiirka dibadda  Soomaaliya, FowziyoMarwa Fowziyo Yuusuf X. Aadan ayaa maanta sheegtay in 10,000 oo muwaaddiniin Soomaali ah ay ku xayiran yihiin magaalooyinka dalka Koonfurta Suudaan oo ay dagaallo ka socdeen labadii todobaad ee lasoo dhaafay. Continue reading

Wasiirka difaaca xukuumaddii hore ee Soomaaliya oo sheegay inay kala qaadeen Ciidamadii ku dagaalamay Gobolka Shabeellada Hoose

FiqiWasiika Gaashaandhigga Somalia, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wafdi uu hoggaamiyo oo ku sugan degmada Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay kala qaadeen ciidankii ku dagaalamay bishan bartankeedii deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Continue reading

War-saxaafaded: Ergayga Qaramada Midoobay Soomaaliya oo ka hadlay Doorashooyinka soo socda ee Puntland

Nicholas KayWar-saxaafaded kasoo baxay xafiiska Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka kusoo fool leh Puntland. Continue reading

Danjire Annadif oo Ka Tacsiyadeeyay Shilkii Gaari AMISOM ay lahayd Ku dhinteen labo Dhalinyaro oo Soomaali ah.

Danjire Maxamed-saalax-annadif.Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Saalax Annadiif ayaa ka tacsiyadeeyay shil gaari oo kolonyo gaadiidka AMISOM ah ay ku dileen labo dhalinyaro ah, isagoo sheegay in ay falkaasi ka xunyihiin. Continue reading

Taliyaha Hogaanka Socdaalka oo ka warbixiyay qaababka lau qaadan doono Bassaborka Cusub ee Soomaaliya.

GaafowTaliyaha Hogaanka laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jen. C/llaahi Gaafow ayaa sheegay in is bedel weyn lagu sameeyay qaababkii awal lagu qaadan jiray baasaboorka, isagoo cadeeyay in nidaam cusub lagu soo kordhiyay, kaasoo qeyb ka ah sugida ammaanka dalka. Continue reading

Xaflad lagu taagerayay loogu Qeylo dhaaminayay Fanaanka weyn Cabdi Tahliil Warsame oo ay qabteen Fannaaniinta reer London.

HEESTII CAAWI SAWIR

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA Continue reading

Jaaliyadda Soomaalida ee degan Jeddah oo xalay qabtay Munaasabad lagu Taageerayay go’aanka Baarlamaanka ee Ansixinta Ra’isal Wasaaraha.

MunaasabadXaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu tageerayay ansixinta Ra’isul Wasaare C/weli Sheekh Axmed oo  shalay Baarlamaanka dalka ay ansixiyeen, iyadoo munaasabadaasi ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada jiddah iyo Qunsuliyadda guud magaaladaasi ee boqortooyadda Sacuudi Carabiya. Continue reading

Hay’adaha Gargaarka ee ku sugan Baydhabo oo billaabay in lacag iyo xoolo nool ay u Qaybiyaan Kumannaan qof.

???????????????????????????????INTERSOS waa hay’ad Samafal ah ee ka howl-gasha gudaha dalka waxayna haatan  ka shaqaysa  magaalada Baydhabo waxayna billlaabday inay 3-kun oo qof oo isugu jira barakacyaal iyo beeraley ka yimid dhulka baadiyaha ah u qaybiso lacag. Iyadoo qof walba oo ka mid ah dadkan la siisay 130 doollar. Continue reading

R/wasaaraha cusub ee dalka Mudane C/weli Sheekh Axmed oo maanta Xildhibaanafa Baarlamaanka siiyey R/wasaare C/weli Sheekh Axmed, kadibna la dhaariyay.

Barlamaanka 1Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maaanta codka kalsoonida ah siiyay R/wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud saakay horgeeyay Madasha Codbixin Baarlamaanka. Continue reading

Madaxweynha Dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo Maanta Horatgaya Baarlmaanka si Ra’iisul Wasaaruhu u helo codka kalsoonida

Ra'iisal-waasaraha CusubMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa in baarlamaanka uu horgeeyo Ra’isul Wasaaraha dhawaan uu soo magacaabay si baarlamaanka Codka kalsoonida ay u siiyaan, iyadoo guddoonka Baarlamaanka uu iclaamiyay maanta kulanka baarlamaanka in codka kalsoonida loogu qaado  Dr C/weli. Continue reading

%d bloggers like this: