Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta leh Kulan Xasaasi ah oo looga doodayo Mooshinkii laga keenay Xukuumadda

???????????????????????????????Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta leh kulan xasaasi ah oo looga hadlayo mooshinkii dhawaan laga keenay xukuumadda Somalia, iyadoo la xiray waddooyinka soo gala xarunta golaha shacabka.

Waxaa maanta la arkayey Xildhibaannada baarlamaanka oo ku sii qulqulaya hoolka shirarka ee baarlamaanka waxaa lagu wado in doodad maanta ay noqoto mid aad u adag, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Dorraat ayey ahayd markii Mooshinka laga keenay xukuumadda Soomaaliya ee uu horkacayo ra’iisul wasaare Saacid oo ay saxiixeen 168-mudane, loona qaybiyay xildhibaannada Axaddii lasoo dhaafay ayaa lagu wadaa in maanta magacyadooda looga dhawaaqo kulanka, markaas kaddibna la gudo-galo doodda.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay xildhibaannada golaha shacabka ay u qaybsan yihiin laba garab oo midi uu si weyn ugu ololeynayo in xukuumada kalsoonida lagala laabto iyo midka kale oo u ololeynaya in xukuumaddu ay kalsoonida hesho.

Sidoo kale, Xukuumadda Soomaaliya oo haatay Sanad jirsatay ayaa lagu waday in isbedel lagu sameeyo, inkastoo isbedel sameyntaas uu ka dhashay buuq soo dhexgalay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare Saacid, kaasoo sababay in xukuumadda mooshin laga geeyo baarlamaanka.

Si kasta ha waxaa maanta la geeyey xarunta golaha Shacbiga Ciidammo aad u fara badan oo ilaalinaya ammaanka dhismaha baarlamaanka Soomaaliya; halkasoo uu maanta ka dhacayo kulan aad xasaasi u ah.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: