Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ahna Ra’isal wasaare ku xigeenka Marwo Fowsiyo  Yuusuf  Xaaji Aadam  ayaa ka hadashay warar ay qoreen warbaahinta qaar oo sheegaya in si musuq maasuq ah wasaaradda arrimaha dibadda ay ugu kaxeysay wadama ka mid ah qaarada Yurub shaqsiyaad Soomaali ah, iyadoo sheegtay wararkaasi in ay yihiin kuwa been abuur ah oo sal iyo raad midna aan laheyn.
Wasiiraddu waxay kula talisay warbaahinta Soomaaliyeed  in waxyaabaha ay qorayaan ay ka sheegaan xaqiiqda oo aysan jahwareerin umadda Soomaaliyeed oo hadda u ifaya muuqaal horumarineed, waxaana ay hoosta ka xariiqday warbaahintaasi in ay qoreen in xogheynta wasiirada ay ku dhex dhuumatay wadanka Belgeum-ka oo dhawaan ay kaga soo qeyb gashay shir laakiin taasi ayaa waxa ay ku sheegtay waxba kama jiraan haddana xogheynteeda ay la socoto.
Sida la wada ogsoon yahay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa wado horumaro balaaran oo ku aadan iskaashiga caalamiga ah ee uu la yeelanayo dalkeena hooyo, iyadoo aqoonsiyo caalami ah iyo horumaro balaaran oo aan ku tilaabsaneyno wasaaradda ay sii xoojineyso, waxaana arrinkaasi soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida.
SomaliSwiss      Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.