Ergayga Qaramada Midoobay Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in uu walwal xoog leh ka qabo dagaalka ka qarxay dhawaan Gobolka Waqooyi Bari ee Sool.
Ergayga Qaramada Midoobay Soomaaliya Mr. Nicholas Kay arrinta dagaalka ka hadlayey wuxuu yiri:“Dagaal weligiis laguma xalinin arrimo Siyaasadeed mana lagu xalin doono, sidaas darteed dhamaan dadka ay arrinta khuseyso, waa inay muujiyaan daganaasho, raadiyaana inay wadahadal wax ku dhameeyeen”.
Ergaygu wuxuu aad si aad ah uga xumaaday dadka ku dhintay dagaalka, wuxuuna tacsi u diray eheladii dadkii dhawaan lagu dilay meeshaas.
Ergayga wuxuu ka hadlay Siyaasadda wuxuuna yiri:“Aragtida Siyaasadeed ee lagu kala gadisan yahay iyo dhibka la kala Sheeganaayo, waa in lagu xaliyaa wada hadal. Nabadgeliyada iyo Xasiloonidana waxay muhiim u yihiin habka doorashada Puntland,” ayuu ku yiri.
Ugu danbeyntii Mudane Kay iyo mas’uuliyiin ka tirsan UNSOM waxay la xiriireen Madaxda ka jirta Gobolka,waxayna ku booriyeen in ay is-xakameeyaan, waxayna ugu baaqeen in ay gacan ka geystaan Wada haddalka iyo dib u heshiisiinta.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.