Kulanka golaha Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa maanta shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayadoo goobjoogna ay ka ahaayeen Gudoomiye ku xigeenka Koobaad Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo Gudoomiyaha ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad,sida uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ku dhawaaqayna kulanka waxaa soo xaadiray 248 Mudane.
Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar ayaa Khudbaddii furitaanka kulanka wuxuu guud mar ku sameeyey islamarkaana xasuusiyey Xildhibaannada Baarlamaanka marxalada uu dalka ku suganyahay iyo marxalada guud ee ay ku suganyihiin Shacbiga Soomaaliyeed meel kastaba ha joogaanee,sidoo kalena waxa uu Afhayeenka Baarlamaanka ka hadlay qorshe howleedka Golaha ee ay Xildhibaannadu ansixiyeen sanadkii 2012da.
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa faah faahiyey Yoolka Xildhibaannada ay hiigsanayaan waxaana uu xusay in Xildhibaannada uu horyaalo mooshin la xiriira Codka kalsooni kala noqoshada Ra’isulwasaaraha iyo Xukuumaddiisa laakiin Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu u faah faahiyey shacabka Soomaaliyeed micnaha ereyga Motion oo asal ahaan ah erey af-English balse Soomaali ahaan micnihiisu yahay soo jeedin arin Xildhibaan ku doonayo iney ku taageeraan Xildhibaannada kale.
Kukanka Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa waxaa loo akhriyey Magacyadii xildhibaanadii saxiixay Mooshinkan, ee tiradoodu gaaraysay 168da waxaana magacyadaas akhriyey Xildhibaan ka mid ah golaha Barlamaanka, wuxuuna sheegay in xildhibaanada keenay mooshinkan ay u cuskadeen qodobka 69aad ee Dastuurka KMGka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo qodobka 75aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka oo labaduba la xiriira keenista mooshin codka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda,sidoo kalena waxa uu xildhibaannada u faah faahiyey sababaha ay mooshinkan u cuskadeen.
Dhanka kale Xildhibaan magaciisu lagu sheegay Warsame Maxamed Feysal oo isaguna ka mid ah xildhibaannada markii hore saxiixay Mooshinkan laakiinse hada aanay taageersaneyn ayaa ka hadlay kulanka waxaana uu ka codsaday Guddoonka Baarlamaanka iney siiyaan waqti ay kusoo xaqiijiyaan mooshinkan.
Si kasta ha ahaatee maalinta berri ah ayaa Mudaneyaasha Baarlamaanka sii amba qaadayaan ka doodista Mooshinkan ayadoo maantana ay isu diiwaan geliyaan ama isku qoreen iney dooda ka qeyb qaataan 83 Xildhibaan waloow ay Xildhibaannadu mudo waqti ah ku bixiyeen daqiiqadaha uu Xildhibaanku hadli karo balse ugu dambeyntii ayadoo la fulinayo qodka 31aad ee Xeer Hoosaadka Baarlamaanka, Farqadiisa 5aad oo u qoran sidan:- “Haddii si kale uusan u go’aansan Goluhu, hadalka xubinta Golaha kama badnaan karo toban (10) daqiiqo, sidaas ayeyna xildhibaannadu isugu raaceen in xildhibaan walba uu hadli karo Seddex daqiiqo.
SomaliSwiss      Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.