Waxaa xalay fiidkii degmada jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe ka dhacay qarax hal qof uu ku dhintay, saddex kalena ay ku dhaawacmeen, sidaasi waxaa sheegay taliyaha nabad sugidda gobolka Shabeellada dhexe, C/weli Ibraahim Maxamed.
Sida lagu soo warramay Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa maamulka gobolka oo xilligaa socod ku marayay suuqa qaadka lagu iibiyo, iyadoo ay ku geeriyootay haweeney qaad iibinaysay, saddexda qof ee dhaawacu soo gaarayna waxaaa ku jiray laba dhallinyaro ah oo suuqa qaadka ka shaqeeya.
Ciidamadii lagu weeraray bamka ayaanay jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray weerarkaas, iyadoo kooxihii weerarka geystayna ay halkaas isaga baxsadeen, inkastoo maamulku ay qaraxan ku eedeeyeen Al-shabaab.
Taliyaha nabadsugidda gobolka oo ka warramayey wuxuu yiri: “Weerarkan wuxuu ahaa mid ay ka dambeeyeen dhallinyaro gacan-saar la leh Al-shabaab, waxaana socda baaritaanno lagu raadinayo”.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Xaaladda degmada Jowhar ay saakay daggan tahay balse ilaa haatan ma jiro hadal ka soo baxay Xarakada Al-shabaab sidoo kale qaraxan ma ahan markii ugu horreysa ee qarax ka dhaca Degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe, ha yeeshee waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
SomaliSwiss Jowhar
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.