Garaash ku yaalla Isogyska KM-4 oo lagu iibiyo Gaadiidka iyo Shidaal oo uu Maanta Dab xoogan ka kacay.

Dab_khasaare_Geystay.jpg2Dab xoog leh ayaa maanta ka kacay garaash weyn oo lagu iibiyo Gaadiid ay leeyhiin ganacsato Soomaaliyeed iyo Shidaal, waxaana dabkaas uu bur-buriyay dhismayaal fara badan oo halkaasi ku yaallay, iyadoo uu hal qof ku dhaawacmay.

Dab_khasaare_Geystay.jpg1

Dabkan oo aan illaa iyo hadda aan la ogeyn wuxuu ka dhashay ayaa wuxuu gubay boqolaal gaadiid ah oo ganacsi ahaan dhawaan looga keenay dalka dibaddiisa, iyadoo sidoo kalena ay ku gubteen fuustooyin shidaal uu ku jiray iyo dhismayaal.

Ganacsade lahaa dukaan garaashka ku dhagganaa oo dabku uu gubay wuxuu yiri: “Lama oga wuxuu dabkan ka dhashay, balse khasaare xoog leh ayuu geystay, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay, runtiina tani waa musiibo xoog leh”.

Sidoo kale Ganacsaduhu wuxuu sheegay in dukaammada intooda badan laga saaray wixii alaab ah ee ku jiray, isagoo intaas ku daray in dukaamada oo dhan lagu iibin jiray qalabka dayactirka baabuurta (Spare Parts).

Dab_khasaare_Geystay

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dhismayaasha gubtay ay ka mid ahaayeen Maqaayad weyn oo lagu cunteeyo, waxaana goobta ku sugnaa markii aan booqanaynay gaadiidka dambka damiya oo ay kala lahaayeen AMISOM, maamulka gobolka Banaadir iyo kuwo ay lahaayeen hay’adaha Turkiga ee dalka ku sugan.

Mudane Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo ah Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca ammaanka, oo goobta soo gaaray ayaa sheegay in dabkan uu khasaare ba’an geystay, wuxuuna ganacsatadii hantida lahaa Alle uga bar-yay inuu bedel khayr qaba siiyo.

Gaadiidka gargaarka deg-degga ah ee loo yaqaan Ambulance-yada ayaa ku sugnaa goobta, kuwaasoo qaadayay dhaawacyada dadkii waxyeelladu ay ka soo gaartay dabkaas, kuwaasoo u badnaa ganacsato isku dayayay inay ka badbaadsadaan dabka alaabahooda.

Inkastoo ugu dambeyn lagu guuleystay in dabka la damiyo ayaa wuxuu si ba’an ku waxyeelleeyay dhul ballaran oo ay ku yaalleen garaasha, dhowr dukaan iyo maqaahida.

Si kasta ha ahaatee dhismayaashan gubtay ayaa waxay ku yaalleen beertii lagu nasan jiray ee isgoyska KM-4, halkaasoo markii uu dalku burburku galay la iska dhistay; iyadoo dabkan uu noqonayo kii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhaca magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: