Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo sheegtay in Midowga Yurub ay dadaal ugu jiraan sidii ay Soomaaliya dib ugu dhismi lahayd.

Wasiiradda A. Dibadda.jpg2Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaaminayso oo ayaamahan ku sugnaa Brussels ayaa maanta soo gaba-gabeynaya shirka ay halkaas uga qayb-galayaan kasoo looga hadlayo horumarinta caalamka.

Wasiiradda A. Dibadda.jpg1

Marwa Fowziyo Yuusuf ayaa inta uu socday shirka waxay kulammo gaar-gaar ah la yeelatay mas’uuliyiin kala duwan oo ay kala hadlaysay xoojinta xiriirka iyo sidii dalalka caalamka ay uga dhabeyn lahaayeen ballan-qaadyadooda oo ay dowladda Soomaaliya garab-weyn ugu siin lahaayeen qorsheyaasha lagu xasilinayo dalka iyo kuwa lagu dar-dar-gelinayo dhismayaasha hay’adaha dowliga ah iyo sidii mashaariic horumarineed loogu heli lahaa dalka.

Wasiiradda waxay sheegtay in Soomaaliya ay maanta horumar ballaaran ku tallaabsatay caalamkana laga codsanayo inay dowladda qorsheyaasheeda taageeraan.

Sidoo kale Wasiiradda ayaa warbixin kooban ka bixisay horumarka dalka uu ku tallaabsaday gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta, shirarka Qaranka ee dadka talada laga qayb-galinayo iyo qorsheyaasha ay dowladdu soo bandhigtay.

Dhanka kale, Wasiiradda ayaa ku nuux-nuuxsatay in dumarka iyo dhalinyarada ay yihiin laf-dhabarka bulshada loona baahan yahay in loo abuuro shaqooyin iyo mashaariic keeni kara in dalku dib u dhismo.

Wasiiradda A. Dibadda

Marwa Fowziyo Yuusuf ayaa sheegtay in Soomaaliya ay saaxiibo, ku leedahay wadamada badan oo ku yaala Caalamka,gaar ahaan Midowga Yurub sidaas waxay wasiiraddu ka sheegtay magaalada Brussels, waxayna xustay in Midowga Yurub ay dadaal ugu jiraan sidii ay Soomaaliya dib ugu dhismi lahayd.

Ugu dambeyn, wasiiradda ayaa ku dhiirri-gelisay saxiixayaashii Compact in la soo dadajiyo dhaqaalihii lagu ballanqaaday si dalka loo gaarsiiyo marxalad horumarineed kaddib sannado badan oo colaado ah.

SomaliSwiss      Brussels

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: