Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Jawaari ayaa digniin culus u diray xildhibaannada ka maqan kulamada Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xildhibaankii ay kulammada soo xaadirin ay u arkayaan mid ka dhuumanaya shaqadiisa.
Guddoomiyuhu ayaa hadalkiisan kusoo beegay xilli Baarlamaanka uu horyaallo badan, waxaana ugu weyn mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana la filayo in ra’iisul waasaruhu uu hortago Baarlamaanka si uu kalsoonida u weydiisto.
Prof. Jawaari oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Arrimaha aan rabo inaan ka digo waxaa weeye, maalmahan warar huu-haa ah ayaa i soo gaaraya, waxaana lagu jiraa xaalad adag, marka xildhibaankii ka maqnaada kulammada baalamaanka ama dibad ha jiro ama gurigiisa ha joogee, waxaan u arkaynaa xildhibaan ka dhuumanaya shaqadiisa”.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in cid ka maqnaan karta fadhiyada baarlamaanka aysan jirin, waxaana maqlay inay jiraan xildhibaanno doonaya inay dalka ka baxaan, kuwaasna waxaan u sheegayaa inaysan bixi karin, kuwa dibadda ku maqanna ay dalka soo galaan.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in caalamka oo dhan uu eegayo Baarlamaanka Soomaaliya, maadama xaalad adag adag dalka uu ku jiro, imtixaan badanna uu taagan yahay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaailya ayaa sheegay inay maanta u yeerayaan wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka si uu u jeediyo warbixin ku saabsan hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka.
Ma ahan markii ugu horreysay oo guddoomiyaha baarlamaanka uu digniin u jeediyo xildhibaannada baalamaanka ee dalka dibaddiisa ku maqan, kuwaas oo aan qaarkood weligood ka qaybgalin kulammada baarlamaanka, balse ma jirto wax kasoo naaso-caddaaday digniinahaas.
SomaliSwiss Muqdissho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.