Wakiilada axsaabta mucaaridka ee Jabuuti (USN-UDJ) ee dalalka la isku yidhaahdo Beneluxega (Holland, Belgium iyo Luxemburge) waxaa ay Hambalyo u dirayaan ciidanka Jabuuti ee Hiil walaal ee ku sugan magalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ayna leeyihiin hambalyo iyo bogaadin, waxaan ku hambalyeyneyna howsha geesinimada leh ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Hiiraan.
Waxaad ogaataan in aad gudaneysaan howl shaqo oo waajib ku ah qof walba oo Soomaali ah oo daneynaayo in lagu xasiliyo Soomaaliya nabad waarta iyo sido kale waxaad ogataan in aad difaaceysaan hooyooyinkiin iyo caruurtiin Soomaaliyeed oo ah kuwa aad u dhaarateen xilligi aad xirateen direyska, inaad difaacdaan xaquuqdooda Soomaalinimo, oo aad ka difaacdaan kooxa matuudhaanka ah ee u-gaadhsato dadweynaha Soomaaliyeed, kuwaas oo ay adeegsadaan cadawga umadda Soomaaliyeed.
Howsha aad ka heysaan Beledweyne waa mid ay ku diirsadeen dadweynaha Jabuuti iyo umadda Soomaaliyeedba ee ku nool guud ahaan dunidan korkeega, sida darteed waxaan idin leenahey ama nii soo gudbineyna bogaadin iyo hambalyo, taas oo aan inagu bogaadineyno xilka culus ee aad u haysaan shacabka reer Hiiraan ee Soomaaliyeed, arintaas awgeed waxaan halkan inaga soo gudbineyna taageerada qurba joogta reer Jabuuti ee ku nool Yurub iyo guud ahaan ta dalada mucaaridka Jabuuti USN meel walba ay ka jogaan caalamkaĀ Eebe ayaa mahad leh.
Wakiilka Xisbiga UDJ- USN ee Beneluxrga
Axmed Riyaale
Bruxlles (Belgium)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.