Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aysan ogolaanayn in la xiro xeryaha ku yaalla dalka Kenya oo ay ku jiraan qoxootiga Soomaaliyeed, kaddib markii wasiirka arrimaha gudaha Kenya uu dhawaan amar ku bixiyay in xeryaha qoxootiga la xiro.
Sida la wada ogsoon yahay dalka Kenya ayaa waxaa ku sugan in ka badan nus malyuun qoxooti Soomaaliyeed kuwaas oo ay ku jiraan kuwo halkaas ku noolaa muddo 20-sano ka badan, waxayna badankood ku nool yihiin xeryaha Dhadhaab oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa Axadda lasoo dhaafay uu sheegay in la xirayo gabi ahaan xeryaha qoxootiga ee ku yaalla Kenya, sidoo kalena dib loogu celiyo dalkooda qoxootiga ku jira ee Soomaalida ah.
Miss Kitty McKinsey oo ah Afhayeenad u hadashay hay’adda UNCHR, ayaa wareysi siiyay Idaacadda iyo Tv VOA-da waxayna sheegtay in hay’adaha gargaarka aysan oggolaaneynin in la xiro xeryaha qoxootiga ee ku yaalla dalka Kenya.
Miss McKinsey oo arrintaas ka hadlaysa waxay tiri: “Ma aaminsanin inuu jiro amar lagu xiri karo xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya ku yaalla,” waxayna intaas ku dartay. “Xukuumadda iyo shacabka Kenya waa dad dul-qaad badan oo muddo sannado ah dalkooda ku yahay qoxootiga Soomaalida, mana filayo inay dhici karo in la xiro xeryaha.”
Hase ahaatee waxaa horraantii bishan ayay ahayd markii hay’adda UNHCR iyo xukuumadaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay saxiixeen heshiis dib loogu celinayo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.
Mar kale ayay waxay tiri McKinsey “Kuma jirin heshiiskan in la xiro xeryaha qoxootiga,” waxayna raacisay “Markii aan heshiiska saxiixaynay laguma soo qaadin goobta xiridda xeryaha qoxootiga, mana jirto qof ka hadashay, marka ma filayo in taasi ay tahay mid la aqbali karo.”
Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in qaar ka mid ah qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka ayaa u billaabay si iskood ah inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya, kaddib markii ay hoos u dhaceen dagaalladii, dhaqaalaha dalkuna uu sare u kac sameeyay.
Balse dhinaca kale waxaa jira tiro badan oo qoxooti Soomaaliyeed ah oo weli ku nool gudaha dalka Kenya, kuwaas oo qaarkood ku noolaa xeryaha Dhadhaab tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.
Si kasta ha ahaatee hay’adda qoxootiga adduunka ee UNCHR ayaa tira-koob ay soo saartay lagu sheegay in xeryaha Dhadhaab ay ku nool yihiin, 388,000. Sidoo kalena ay ku nool yihiinn xerada Kaakuma oo waqooyi-galbeed Kenya ku taalla ay ku jiraan iyadana 54,000, halka ay magaalada Nairobi ku nool yihiin 32,000 oo kale.
SomaliSwiss Nairobi
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.