Marwada Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Marwo Qamar Cali Cumar ayaa shalay  deeq isugu jirta raashiin iyo lacag gaarsiisay dadka ku barakacay fatahaada wabiga Shabelle ee ku dhaqan duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Dhexe.
Deeqdan ayaa waxay ka koobneyd Baakado buskut ah iyo lacag kaash ah oo gaarayso 400 Milyan Sh,So ah (Afar Boqol milyan) oo Sh,S ayaa waxaa loo qeybiyey qoysas kumanaan gaaraya oo ku dhaqan duleedka degmada Jowhar ee gobolka Shabeelada dhexe ayadoo dadka deeqda la gaarsiiyey ay ahaayeen kuwo guryihii ay degenaayeen ugasoo barakacay fatahaada wabiga Shabelle.
Sidoo kale deeqdan ayaa waxay Marwada Madaxweynaha u soo wakiilatay Dr Maryan Maxamed Xuseen oo qeybinta deeqdaan ayaa u sheegtay Warbaahinta Qaranka in deeqdan noocyada kala duwan ah ay Marwada Koobaad ee Dalka Marwo Qamar Cali Cumar ay ugu talagashay dadka kusoo barakacay fatahaadii wabiga Shabelle ee gobolka Shabeelada Dhexe islamarkaana hada deeqda la gaarsiiyey dadkii loogu talagalay.
Qoysaskii deeqdaasi ka faa’ideystay ayaa waxay ugu mahad celiyeyen Marwada Koobaad ee dalka Marwo Qamar Cali Cumar sida ay ugu soo naxariisatay dadkaasi tabaaleysan waxaana ay Alle uga baryeen in bedel ka kheyr badan uu ugu bedello deeqda ay u geysay.
SomaliSwiss       Jowhar
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.