Maamulka G/Banaadir oo soo gabagabeeyay wejiga 1-aad ee deeq uruurintii loogu talagalay dadka Ku barakacay Fatahaadda iyo Duufaanta

TarsanWaxaa shalay Maamulka gobolka Banaadir uu soo gabagabeeyay wejiga 1-aad ee deeq uruurinta loogu talagalay dadkii ku waxyeeloobay Fatahada wabiga iyo roobabkii dabeylaha watay eek u dhuftay deegaanno hoos taga maamulka Puntland.

Duqa Magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay deeq isugu jirtay lacago,  dhar iyo agabyo kale kuwaas oo ay soo ururiyeen gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa Warbaahinta u sheegay in tirada guud ee lacagaha laga soo ururiyay degmooyinka Banaadir ay gaareyso ilaa 268,922$ iyo 35 Milyan oo shilin Soomaali ah, wuxuuna intaa ku daray in lacagtaasi loogu gurmandoono qoysaskii ku waxyooloobay Masiibooyinkii isugu jiray fatahaadda iyo duufaannada ee ka dhacay gobollo ka mid ah dalkeenna Soomaaliya.

Dhinaca kale Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay Munaasabadda ayaa ugu baaqay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iney ka qeyb qaataan ololaha loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay Fatahaadda wabiga shabeele uu ka geystay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/Dhexe iyo roobabkii dabeylaha watay ee ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolada Bari iyo Nugaal.

Ugu danbeyntii Mudane Tarsan ayaa ku amaanay dadweynaha ku nool degmooyinka gobolka Banaadir iyo maamulladoodaba sida wanaagsan oo ay ugu gurmadeen walaalahooda ku dhibaateeysan gobollo ka mid ah dalkeenna.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: