Wasiirka Warfaafinta oo maanta Kormeer ku tegay Madbacaddii Qaranka, sheegayna in la howlgelin doono.

???????????????????????????????Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa wuxuu maanta Kormeer ku tagay Madbacaddii Qaranka ee degmada Shangaani oo ay hadda deganyihiin dad shacab ah ujeedada kormeerkiisa waxay aheyd inuu Wasiirku dar dar galiyo dadaalka uu ku doonayo dib u soo nooleynta Madbacada Qaranka.

??????????????????????????????? 

Waxaa Wasiirku  kormeerkiisa ku wehlinayay, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfafinta, qaar ka mid ah Agaasimayaasha waaxyaha ee Wasaaradda iyo Maareeyaha Madbacada Qaranka, waxayna soo  indha indheeyeen  dhamaan dhismaha ay ka koobantahay xarunta madbacadda.

Maareeyaha Madbacada Maxamuud Maxamed Juun ayaa u sharaxay Wasiirka iyo agaasimayaashi la socday howlihi ay bulshada u qaban jirtay madbacada, isagoo tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay sidii dib loo howlgelin lahaa madbacadii Qaranka.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Cabdulaahi Ciilmooge ayaa ka hadlay kormeerka shaqo ee uu maanta ku tagay Madbacaddii qaranka ee degmada Shangaani, waxa uuna sheegay inuu qayb kayahay komeerkiisa dadaal uu ugu jiro dib u soo nooleynta madbacadda.

Wasiirku ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay dib u soo celiso Wasaarada Naadigii Madbacadda Qaranka ee ka dhisnaan jiray dalka bur burki kahor.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Warfaafina oo ay wehliyeen qaar kamid ah agaasimayaasha waxyaha ay ka koobanta Wasaaradda oo uu kamid yahay Agaasimaha Gaadiidka Cali Gacal Gaaboow waxa ay kulan kooban oo is wareysi ah xarunta waaxda gaadiidka kula qaateen qaar ka mid ah howlwadeenada waaxdaasi, iyadoo mudane  Ciilmooge hadal kooban uu ka jeediyay kulanka ugu hambalyeeyay shaqada ay hayaan, waxa uuna ku guubaabiyay inay sii laba jiraan howlaha ay bulshadooda ugu adeegayaan.

Dhanka kale Kormeerka shaqo ee uu maanta ku tegay Wasiirku Madbacaddii Qaranka iyo xarunta Gaadiidka ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa qeyb ka ah dadaallada uu maamulka Wasaaraddu ku dar dar galineyso dib u howl galinta Madbacaddi hore ee Qaranka iyo dhiira gelinta shaqaalaha gaadiidka.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: