Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Wafdi Ay Hoggaamineyso oo Maanta u Ambabaxay Dalka Belgium

Wasiirka A. DibaddaWasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah  ahna Ra’isalwazaare ku xigeen ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan C/lle Cismaan ee magaaladda Muqdisho iyadoo ku sii jeedda magaaladda  Brussells ee xarunta dalka Biljamka.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya ayaa dalka Biljamka magaala Brusells uga qeyb galeysa shir weynaha oo ah shirweynaha horumarinta wadamada Midowga Yurub oo diiradda lagu saari doono sidii loo gacan qaban lahaa wadamada kaalmadda u baahan oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay waxaana safarkeeda ku wehliyay xubno ay ka mid yihiin la taliyaha madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya C/raxman Cumar Cismaan Yariisow iyo Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda arrmaha dibadda Soomaaliya Cabdi Diirshe.

Sidoo kale Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qolka nasashadda ee garoonka diyaaradaha kula hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in safarkeedu ku wajahanyahay magaalada Brusselis oo ay kaga qeygaleyso shirweynaha EU Development Conference.

Shirkan  lagu qabanayo dalka Biljamka ayaa ah shir ay soo qaban qaabiyeen  dalalka Midowga Yurub  waana shir lagu horumarinaayo Wadamada ugu saboolsan Caalamka, kaasoo ay fursad qaali ah u tahay Soomaaliya, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah dalka iyo dadka  Soomaaliyeed,  waxaana shirkan uu socon doonaa muddo Laba maalin ah.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: