Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa Maanta booqday xarumaha wasaaradaha warfaafinta iyo xarunta wasaaradda Kheyraadka dalka, waxaana uu kulamo gooni-gooni ah la qaatay howl-wadeennada iyo dhammaan shaqaalaha ka howlgala labadaas wasaaradood, isagoo ka dhegeystay waxqbadkooda mudada sanadka ahayd ee ay wasaaradahani shaqeynayeen.
Ra’isal wasaare Saacid ayaa waxaa booqashadiisan ku wehliyay wasiirrada wasaaradaha uu booqday iyo agaasimayaashooda, waxayna ugu horreyntii booqdeen xarunta wasaaradda warfaafinta, gaar ahaana Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay, waxaana xilligaasi ka socday howlo ku aaddan tabinta iyo qabashada barnaamijyo kala duwan.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu ammaanay is-bedelka iyo horumarinta ballaaran ee ay wasaaraddu sameysay halkii sano ee ay xukuumaddu jirtay, wuxuuna xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dawladnimada warbaahinta oo ah halka looga tabiyo shacabka waxqabadka iyo horumarka dawladda.
Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumada ayaa sidoo kale booqasho ku tagay xarunta wasaaradda Kheyraadka dalka isaga oo warbixin ballaaran ka dhegeystay qaar ka mid ah agaasimeyaasha wasaaradaas, waxayna tilmaameen in muddada sannadka ah ay qabteen howlo baaxad leh oo ku aaddan horumarinta kheyraadka sida beeraha, waxsoo saarka gudaha, kalluumeysiga, waxayna xuseen inay heshiisyo wax ku ool ah la gashay wasaaradu shirkado caalami ah oo ay ka mid tahay shirkadda Soma Oil and Gas oo sahmin ku sameyn doonta shidaalka dalka, gaar ahaana midka ku jira badda.
Ra’iisul wasaaraha wuxuu ugu dambeyntii booqashadiisan kaddib, warbaahinta la hadlay ayaa xusay in intii uu ku gudo jiray booqashada wasaaradahan uu ku soo arkay waxqabad ballaaran oo ay sameeyeen muddadii sannadka ahayd, wuxuuna xusay in dhammaan wasaaradaha xukuumadda ay sameeyeen horumarro baaxad leh, isagoo ballan-qaaday inay sii laban-laabi doonaan waxqabadkooda sannadaha soo socda.
SomaliSwiss       Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.