Hay’adda u qaabilsan qaramada midoobay arrimaha qaxootiga ee (UNHCR) ayaa si aad ah ugu xumaatay hadalkii shalay kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Olelenko kaasoo ahaa inuu amar ku bixiyay in irridaha loo laabo dhammaan xeryaha qaxootiga ee Soomalidu ay ku jiraan.
Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in xerada qaxootiga ee Dhadhaab ay sii fidi doonto xataa marka ay bilaabato dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah.
Sidoo kale Madaxa hay’ada UNHCR ee dalka Kenya Raouf Mazou ayaa sheegay in qorshaha lagu celinayo qaxootiga uu qaadan doono muddo toban sano ah sidii horay uga dhacday oo kale dalka Liberia ee ku yaal galbeedka qaarada Africa.
“Sidii Liberia oo kale, qorshahaani ma noqon doono wax hal maalin lagu dhameeyo, wuxuu qaadan doonaa 10 sano” ayuu yiri Raouf Mazou.
Mr. Raouf Mazou.oo la hadlayay warbaahinta magaalada Nairobi wuxuu intaa raaciyay in heshiiskii sadex geesoodka ah ee Soomaaliya iyo qaramada midoobay ay la saxiixdeen Kenya inuu ahaa mid qaxootiga ay si iskood ah ay u noqayaan.
Mr. Raouf Mazou oo si caro leh uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya. wuxuu yiri: “Waa muhiim inaan cadayno cid ku khasbi karta Soomaalida majirto inay xoog kaga baxaan Kenya”.
Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph ole Lenku oo tagay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa diiday codsi ay u soo jeediyeen hogaamiyayaasha xeryaha oo ka dalbaday in wakhi loogu daro xilliga ay noqonayaan isagoo ku jawaabay in dawlada Kenya aysan ka noqon doonin go’aanka ay dib ugu celinayso qaxootiga Soomaalida ah oo uu ku eedeeyay inay gabaad siiyaan argagixisada weerarada ka gaysata gudaha dalka Kenya.
SomaliSwiss Nairobi
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.