Dowladda Islaamiga Iiran oo Heshiis kula gashay dalalka Galbeedka inay hakinayso barnaamijkeeda Hubka Nukliyeerka

Genf Konferenz Iran.jpg1Dowladda Islaamiga ee Dalka Iran ayaa heshiis Ku Meel Gaar ah la galay dalalka reer galbeedka, kaasoo ku saabsan hubkeeda nuklieerka, kaddib afar maalmood oo ay socdeen wadahadallo arrintan ku saabsan.

Genf Konferenz Iran

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in markii ugu horreysay muddo toban sano ah ay suuro-gashay in la hakiyo barnaamijka ay Iran ku doonayso inay ku sameysato hubka khatarta ah ah ee Nukliyeerka.

Sida uu qoraayo heshiiskan waxay Iraan ay ku ballan-qaadday inay dhimayso kaydkeeda tayeynta macdanka Yuraaniyamka oo loo isticmaali karo hubka nukliyeerka,taas beddelkeeda waxaa Iran laga qaadi doonaa qaar ka mid ah cunno-qabteyntii saarnayd waa haddii ay fuliso heshiiskan.

Dhanka kale, heshiiskan ayaa socon doona muddo lix bilood ah, isagoo waqti siinaya wadahadallo heshiis waqti dheer ah lagu galo.

Mr. Maxamed Javad Zarif oo ah Wasiirka arrimaha dibadda Iran, ayaa sheegay in la aqoonsaday xaqa uu dalkiisu u leeyahay tayeynta Yuraaniyamka. Laakiinse xog-hayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry ayaa isna sheegay inaan arrintaas la aqoonsan.

Sida la isku afgartay heshiiskan Iran ay la gashay dalalka reer galbeedka ayaa ah mid Ku Meel Gaar ah ee ayay ku ogolaatay Iiraan inay joojiso 95% tayeynta Yuraaniyamka. Sidoo kalena ay qafiifiso tayeynta Yuraaniyamkeeda oo gaaraya 25%, taasoo ah aasaaska hubka nukliyeerka.

Dowladda Islaamiga Iran waxay kaloo aqbashay inay joojinayso horumarinta awooda ay ku tayeynayso Yuraaniyamkeeda, sida inaysan samaysan qaboojiyayaal kale oo dheeraad ah.

Geneve Conf.jpg1Sida ku cad Hesshiiskan waxyaabaha kale ee Iran ay ku ogolaatay ayaa waxaa ka mid ah inay joojiso horumarka ay ka samaynayso saldhigeeda nukliyeerka iyo inay ogolaato kormeeridda hay’adda atoomikada dunida ee IAEA.

Haddii Iiraan ay fuliso heshiiskan waxay reer galbeedka u ogolaan doonaan in si KMG ah looga dabciyo cunno-qabteyntii dhaqaalaha ee horay ay ugu soo rogeen dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa ugu yeeray heshiiska qalad taariikhi. Isagoo sheegay mar uu wasiiraddiisa la hadlayay in dowladda adduunka ugu khatarsan oo uu ula jeedo Iiraan ay qaadday tallaabo muhiim ah oo ay ku yeelato hubka adduunka ugu katarsan.

Si kasta ha ahaatee Netanyahu ayaa waxaa ugu dambeyntii uu sheegay in Israa’iil aan lagu qasbi doonin in ay heshiiskan aqoonsato, ayna xaq u leedahay inay is difaacdo haddii la soo weeraro.

SomaliSwiss         Geneve

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: