Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta loo qaybinayo Mooshinkii laga keenay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaanada barlamaanka.jpg4Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta loo qaybinaayo mooshin ka dhan  ah Ra’iisul- wasaaraha Soomaaliya oo Khamiistii lasoo dhaafay loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka.

Mudane ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka Barlamaanka ee maanta looga hadli doono laba ajande oo kala ah, mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale akhrintii labaad ee sharciga bangiga horumarinta.

Warar ayaa sheegay dhawaan ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay u gudbiyeen guddoonka sare mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaare Saacid kaasoo ku aaddan in kalsoonida lagala laabto xukuumadda.

Sidoo kale mudanayaashan qaarkood ayaa ku eedeeyay xukuumadda xil-gudasho la’aan, taasna ay tahay sababta ay u keeneen mooshinka, iyadoo mooshinkan ay ku saxiixan yihiin in ka badan 168-mudane. Inkastoo ay jiraan xildhibaanno aad uga soo horjeeda mooshinkan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in khilaafka isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya u dhexeeya uu yahay mid Dastuuri ah uuna u yahay diyaar in lagu kala baxo dastuurka.

Si kasta ha ahaatee lama oga halka uu u dhici doono go’aanka Baarlamaanka kaddib markii laga doodo mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, inkastoo ay ka socdaan Muqdisho ololayaal ay wadaan xildhibaanno fikir ahaan iska soo horjeeda.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: