Ciidamo isku dhafan oo ka kooban Jabuutiyaan, Itoobiyaan iyo Soomaali oo ku wajahan Fariisinka ugu weyn ee Al-Shabaab ee Degmada Buulo-burde.

Ciidanka JabuutiWar saakay naga soo gaaray  Magaalada Baladweyne  ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo isku dhafan oo ka kooban Jabuutiyaan, Itoobiyaan iyo Soomaali oo ay u dhaqaaqeen degmada Buulaburde, kuna  wajahan Fariisinka ugu weyn ee Al-Shabaab ee ay ku leeyihiin Degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

???????????????????????????????

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu doonayo sidii Xarakada Al-shabaab looga saari lahaa saldhigyada ay gobolka ku leedahay, iyagoo sheegay in ciidammo lugta ah ay xalay ku baxeen laba jaho, saakayna ay magaalada ka ambabaxeen gaadiidkii dagaalka.

Sida la wada ogsoon yahay  Degmada Buulo Burde ayaa waxaa ka taliya Xarakada Al-shabaab waana fariisinka ugu weyn ee Gobolkaasi ay ku leeyihiin Shabaabka, iadoo saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegeen in qorshahan uu yahay mid lagu doonayo sidii Al-shabaab looga saari lahaa saldhigyada ay gobolkaasi ku leeyihiin .

Ciidamada Lugta oo si aad ah u hubaysan ayaa xalay ku dhaqaaqay laba wado oo tagta Magaalada Buulo Bude , waxaana sidoo kale saakay iyana ka ambabaxay magaalada Baladweyne Gaawrida dagaalka ay Ciidamadu adeegsadaan.

Sidoo kale Ciidamada Itoobiya ayaa la soo sheegayaa inay ku dhow yihiin  deegaanka Garasiyaani, halka ciidamada Jabuuti iyo Soomaaliya oo iyaguna ku baxay dhinaca Galbeedka ay ku dhow yihiin deegaan lagu magacaabo Luuq jeeloow.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay ku dhaqaaqaan ciidamada ka socda Itoobiya iyo Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana howgalkan ka dhashay weerarro is-xigay oo ay Al-shabaab ka geysatay degmada Baladweyne.

SomaliSwiss      Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: