Safiirka Turkiga ee Somalia oo sheegay in ay ku Dadaalayaan sii socoshada Wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya.

Safiirka_Turkiga.jpg1Mudane Cemalettin Kanu Turan oo ah Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ganacsato ah oo socdaal shaqo  ku tegay Somaliland ayaa sheegay in Turkigu uu ku dadaalayo sidii ay u sii socon lahaayeen wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.Safiirka_Turkiga

Wefdiga ka socda dalka Turkiga waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirka Qorshaynta, wasiirka Beeraha iyo Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga.

Waxaa Safiirka  socdaalkiisa ku wehelinayey xubno ka socda ganacsato oo ka soo kicitay Itoobiya, kuwaas oo indho indheyn doono ganacsiga Somalliland, isla markaana booqan doono qaar ka mid ah magaalooyinka dalka oo ay u kuur-galayaan xarakaadka ganacsiga.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya  oo shalay galab ka gaaray  magaaladda Hargeysa, ayaa  joogi doonna muddo afar cisho ah, isla markaana soo booqan doono magaalooyin ka mid ah Somaliland sida magaalada Berbera.

Sidoo kale Safiirka Turkiga ayaa sheegay inay Turkigu sii wadayso sidii uu u sii socon lahaa wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ee Turkigu martigalisay.

Si kastaba ha haatee, waxa la filayaa in Safiirku intii uu joogo Gobollada Woqooyiga wuxuu la kulmi doonaa Mas’uuliyiinta  Somaliland iyo Madaxda Gobolladaas.

SomaliSwiss       Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: