Mr. Edward Ssekandi oo ah Madaxweyne ku xigeenka dalka Uganda, ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Afrika in ay gacan ka geystaan howlgalka nabad soo celinta Soomaaliya, isagoo xusay in howshan ay udub dhxaad u tahay nabadda iyo degenaashaha gobolka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Uganda ayaa hadalkan ka sheegay shirkii Carabta iyo Afrika oo dhawaan ka dhacay dalka Kuwait, isagoo xusay in dalkiisu uu doonayo inuu arko Somalia oo deggenaasho ay ka jirto, wuxuuna intaas ku daray in dalkiisu u si gaar ah u daneynayo nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika.
Mr. Ssekandi ayaa hoosta ka xariiqay in hanjabaadaha argagaxisada xagjirka ah ay tahay mid ku wajahan dalalka gobolka oo dhan wuxuu yiri: “Qaramada Midoobay waxaan ku boorrinayaa inay kordhiso taageerada ay ku bixinayso howgalka nabad soo celinta Soomaaliya”.
Sidoo kale Madaxweynaha Uganda ayaa soo dhaweeyay fikirka ku xigeenkiisa, wuxuuna ku tilmaamay mid horseed u noqon kara nabad iyo xasillooni ka hirgasha guud ahaan Afrika, wuxuuna ku taliyay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Sida la wada ogsoon yahay Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo hoggaaminaya howl-galkan oo ay qayb ka yihiin ciidammo ka socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya iyo Jabuuti.
Dhanka kale Itoobiya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Somalia ayaa iyaduna dhawaan ku dhawaaqday inay ku biirayso AMISOM, waxaana ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya uu sheegay in go’aankan ay qaateen si ay u xoojiyaan dagaalka Al-shabaab lagula jiro.
SomaliSwiss Kampala
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.