Wasiirka Warfaafinta Bostada Isgaarsiinta Iyo Gaadiidka Oo Saaka Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

Wasiirka_WarfaafintaWasiirka Warfaafinta,  Boostada,  Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhameystay safar shaqo oo uu ku tagey dalal ka mid ah caalamka.

Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si diirran ugu soo dhaweeyay  mas’uuliyiinta wasaarada oo uu ugu horkacayay agaasimaha guud ee wasaarada  warfaafinta C/risaaq Cali Yusuf  Bahlaawi iyo qaar ka mid ah agasimiyaasha waaxaha..

Wasiirka  ayaa markii uu soo degtay kadib shir jaraa’id uu ku qabtay garoonka diyaaradaha waxaa uu ka warbixiyeey shirar uu uga qeyb galay wadamada Switzerland iyo Imaaraadka oo looga hadlayay arimaha Bostada aduunka iyo dib u soo noolaynta shirkaddii Somali Airlines

Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegey inay guulo ka soo hooyeen qorshayaal diyaraado loogu sameynayo Somalia si loo horumariyo gaadiidka Cirka isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkadii Somali Airlines ay dhawaan dib u howlgelidoonto wuxuuna safarkiisa ku tilmaamay mid guuleed.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: