Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariim Xuseen Guuleed oo ay ka nid ahaayeen Wasiirka Kheyraadka C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiir ku xigeenada Gaashaandhiga, Maaliyadda iyo Qorsheynta, iyo adeega Bulshada, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiim Daahir Siciid “Saacid”, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa u magacaawday guddi ku soo sameeyo qiimeyn horumarada ka socda magaaladaasi oo maalma ka hor qarax naftii haligmima ah ay ka geysteen Kooxda Dhagarta badan ee Al Shabaab, waxaana wafdiga loo galbiyay gudaha magaalada, iyagoo booqday saldhiga Ciidanka Boliiska ee Talaadadii la soo dhaafay lala beegsaday qaraxaasi.
Sidoo kale Wafdigan ayaa markii ay tageen magaalada Beledweyne waxay ka tacsiyadeeyeen dhibka argagaxisada ay u geysteen dadkii ku geeriyooday weerarkaasi bahalnimada ahaa waxaana ay sheegeen in marnaba aysan u istaagi doonin horumarada ka socda gobolka Hiiraan iyo doorashooyinka lagu wado in dhawaan ay ka dhacdo gobolkaasi.
Wafdigan ayaa ugu danbeyntii waxay kulan qaateen Odayaasha, Waxgaradka, Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, iyo Haweenka, Baar Xasan Dhiif ee bartamaha magaalada Beledweyne , waxaana ay ka wada hadlayaan xoojinta amniga iyo horumarada gobolka ka socda.
SomaliSwiss Beledweyne
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.