Nicholas Kay, ayaa maanta soo gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Mr Key iyo wafdigiisa waxaa garoonka kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Puntland.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa wuxuu hoteelka International Village kulamo gaar gaar ah kula yeeshay qaar kamid ah musharraxiinta u taagan madaxtinimada Puntland, Isimo iyo xubno kale oo ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Wakiilku wuxuu ugu horreyntii la kulmay Cali Xaaji Warsame oo ah musharraxa keliya ee magaalada Boosaaso ka jooga kuwa u tartamaya xilka madaxweynenimada ee Puntland, wuxuuna kala hadlay arrimo khuseeya doorashada soo socota oo ay kamid yihiin: qaabka loo sugayo ammaanka musharraxiinta iyo dhismaha guddiga xallinta khilaafaadka.
Mr. Nicholas Kay wuxuu kaloo uu la kulmay isimada iyo madaxda dhaqanka ee gobolka Bari iyo weliba xubno ka socdey bulshada rayidka ah. Kulammadaas ayaa iyaguna ahaa kuwo diirrada lagu saaray sidii doorashada soo socota ee Puntland looga dhigi lahaa mid si xalaal ah oo hufan ku dhacda.
Sidoo kale Mr Kay oo markii ay kulammadaasi soo gaba gaboobeen warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in waxyaabaha laga wada hadlay ay ugu muhiimsanaayeen: guddiga loo xilsaaray sugidda ammaanka oo musharraxiinta qaarkood ay cabasho ka mujiyeen iyo guddiga xallinta khilaafaadka oo sida uu tilmaamay ay muhiim tahay in la dhiso.
Dhanka kale MR. Key wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in la sugo ammaanka musharraxiinta, wax cadaadis ahna aan la saarin, sidoo kale wuxuu sheegay in ay lagama marmaan tahay in warbaahinta aan la caburin; warbaahintana laga rabo in ay si dhex dhexaad ah u shaqeyso.
Ugu danbeyntii Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nicholas Kay, oo muddo saddex maalmood ah deegaanada Puntland ku sugnaa, wuxuu magaalada Garowe kula kulmay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole isagoo sidoo kale magaalada Gaalkacayo kulammo kula soo qaatay qaar kamid ah musharraxiinta u taagan madaxtinimada Puntland iyo Isimmada gobolka Mudug.
SomaliSwiss             Boosaaso
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.