Danjiraha Soomaaliya ee dalka Boqrtooyada Ingiriiska oo ka Qayb-galay Kulan lagu Saxiixay Heshiis Is-afgarad ah.

Heshiis_London_Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Britain C/llaahi Maxamed Cali (San-bololshe) ayaa ka qayb galay  munaasabad ballaaran oo lagu saxiixayey heshiis is-afgarad ah oo lagu qabtay bartamaha magaalada London iyadoo munaasabaddaas ay soo abaabuleen rugta ganacsiga Yurub iyo Soomalaiya ee uu guddoomiyaha u yahay Sir Tony Baldry oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Britain.

 Heshiis_London_.jpg1

Munaasabadaas ayaa waxaa kharashkeeda bixisay shirkada Somcon Group oo ah shirkad dhisme oo fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Britain, shirkado caalami ah iyo qareenno sare oo ka kala socday Qaaradda Yurub.

Goobtii  lagu qabtay munaasabaddan oo ahayd dhismaha  Carlton Club ayaa inta badan lagu qabto munaasabadaha xisbiga haya talada dalka Britain ee Conservative Part, iyadoo ay goobta camireen aqoonyahano iyo khubaro caalami ah oo aad u danaynayay dib u dhiska Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ee Uk, C/llaahi Sanbololshe iyo Sir Tony Baldry ayaa labaduba halkaasi ay khudbado ka jeediyeen, waxayna kusoo ban-dhigeen baahida loo qabo in maalgashi lagu samaysto Soomaaliya , iyadoo arrintaasina ay hormuud u noqonayso rugta ganacsiga Yurub iyo Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uuliyiin iyo khubaro dhinaca ganacsiga ah oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib.

Sidoo kale Sir Tony Baldry oo ah xildhibaan, isla markaana wax badan kasoo shaqeeyay qaybta arrimaha dibadda ee dalka Britain ayaa tilmaamay in xillign Somalia ay ka jirto dowlad rasmi ah isla markaana loo baahan yahay in gacan weyn laga gaysto xagga horumarinta, sida dhismaha, waxbarasahda, caafimaadka iyo adeegga guud oo bad iyo barriba isugu jira.

Sir Tony Baldry  wuxuu intaas ku daray in xilligan Al shabaab oo horay uga talin jirtay qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya hadda laga awood roonaaday oo ammaanka goobo badan oo Soomaaliya ka mid ah uu yahay mid la isku halayn karo, wuxuuna sheegay in rugta ganacsiga ee uu guddoomiyaha ka yahay ay soo dhawaynayso danjiraha Soomaaliya u fadhiya UK, isl amarkaana ay kaalin muuqata ka qaadanayso arrimaha dib u dhiska iyo dib u dajinta dadka iyo dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Goobta uu ka dhacay kulanka oo ay heshiis loogu magac-daray ‘Memorandum of Understanding’ ama ‘Heshiis Is-faham Iskaashiyeed’ ay ku kala saxiixdeen labada dhinac waa dowlada oo uu matalayay danjire C/llaahi  Sanbololshe iyo Sir Tony Baldry oo isaguna ka socday rugta ganacsiga Yurub iyo Soomaaliya ayaa waxaa hadal ka jeediyay danjire Sanbololshe oo ku dheeraaday wax qabadka dowladda iyo sida ay raalliga uga tahay heshiiska oo ay in badan iska arkayeen labada dhinac.

Danjiraha Soomaaliya ee Uk, C/llaahi ( Sambalolshe)  ayaa qiray taageerada ay u muujiyeen xubnaha rugta ganacsiga tan iyo markii uu qabtay xilka danjirenimo ee UK, wuxuuna aad ugu mahadceliyay Sir Tony Baldry iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Kim iyo Ian Fenwick, sidoo kale wuxuu soo qaaday xubno iyaguna dhaqalaaha lagu qabtay munaasabadda bixiyay oo uu ka xusay Zed factory, Zaiwalla and Co-solicitor. Waxaa kaloo goobta looga mahadceliyay Faarax oo ah aasaasaha rugta ganacsiga Yurub iyo Soomaaliya lahaana fikraddii ka dambaysay in la dhiso rugtan.

Balse Danjiraha ayaa wuxuu ka codsaday saaxiibbada caalamka iyo qaybaha kale ee ay xiriirka wadaagaan inay gacan ka gaystaan dib u soo noolaynta dhaqaalihii uu lahaa dalka Soomaaliya isagoo yiri: ’’Soomaaliya waa dal qani ah oo leh dhaqaale bad iyo barriba leh una baahan cid maal-gashata.”

Si kastaba ha ahaatee, munaasabaddii ka dhacaday magaalada London oo ahayd mid guul wayn u ah Soomaaliya ayaa u horseedaysa shirkado badan oo ka cabsi qabay ay maal-gashi ku samaystaan Somalia inay ku dhiiradaan iyadoo rugta ganacsiga Yurub iyo Soomalaiya oo hormud u noqotay shirkada caalamiga ahna ay fursad u helayso sidii u billaabi lahayd maal-gashiga Soomaaliya.

SomaliSwiss      London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: